Thursday, November 24, 2005

Geeddi-Socod " Gabay U baahan in dhago loo yeesho"


Faarax Cawil Jaamac (Buluqbaash

Faarax-Buluqbaash waa Curiye weyn, oo leh suugaan iyo murti miisaan iyo qaro leh, oo kala du-duwan, sida:- Gabayo, Geeraarro, Riwaayado, Heeso, Sheekooyin iwm. Faarax hadda wuxuu la taagan yahay, oo tirinayaa, gabay aad u dheer ee qiima badan, oo uu u bixiyey GEEDDI-SOCOD, oo soo baxay 1997.

Waxa Faarax gabaygan ka soo bilaabay oo uu ku iba-furay, soo-jireenka taariikhdii bani'aadamku soo maray. Wuxuu gogol-dhig uga dhigay, ku-dhaqanka iyo ka-faa'iideysiga caqliga wanaagsan iyo garashada habboon, taasoo ay tahay buu abwaanku leeyahay;- adeegsiga iyo nolosha adduunka ama adduunyada inaan loo baahnayn wax lagu sii daro oo lagu sii
kordhiyo, balse ay tahay tii hore ee jirtey oo la toostoosiyo, looguna dhaqmo sida saxa ah ee habboon. Taasi dhinaceeda kale, oo ah geesta khaladka ee maskaxda bani'aadamka oo la adeegsadona, hadimada ka dhalataa la mid tahay ama ka sii xun tahay tan maanta Soomaalida haysata.

Ugu-danbayntana abwaanku gabaygiisan Geeddi-socod wuxuu ku gooddiyayaa wacyi-gelin iyo hoga-tusaalayn ku saabsan nasiib-darrada iyo hoggaan-xumida muddooyinkan danbe ku dhacday gebi ahaanba Soomaalida (Dal iyo Dadba), imminkana ay tahay, in dib loo adeegsado looguna dhaqmo aqoonta habboon iyo caqliga wanaagsan, si loo soxo khaladkii dhacay, ka dibna la hanto qarannimo dhab ah. Faallada iyo sharraxaadda gabaygani aad bay u dheer tahay, balse hadda intaas uun baynu ka soo qaadanaynaa. Gabaygii baynuna u geleynaa.

Haantaba guntoo laga unkaa garasho weeyaaneGirgir loo sameeyiyo hadhuub guudka laga saaroMaskax godol leh baa laga dhaxloo gudatey hawshaaseHaddayse guuli kaa maqantihiyo horumar aad gaadhoGaraadkaaga weydii waxay gocato laabtaadu.

Guntin canaba ciin lagu go'oo guba calooshaadaWaxaad geliso ciiddaa dhulkana kaaga soo go'a'eHadba geedki aad beerataad goosataa abide,Girristaad afaysana marbaad Gool ku qalataayeGuuyona waxaad dhaqato baa goonni kuu noqoneHadba dumarka taad guursataa gaaridood tahayeGogoshana middaad seexataad gama' ka doontaayeWaxaad galabsataabaad ifkana gaar u heleysaayeGefna waxaad samaysaa qabriga kuugu soo geli.

Haddii aanu garaad iyo lahayn garasho dheeraad ah Dadku guunyo buu noqon lahaa daaqda geedaha'e Waxaan geela kaga goonni nahay adhiga gaaggaaban Caqli talo gorfeeyaa Ilaah geliyey maankeenna.

Dunidoo gabaahiir ahoo galow ka foodhyaayoIyadoo gelgelinoon lahayn guri la hoos seexdo Dadkuna uu dhirtow guud baxoo fuulo gudaheeda Gama' iyo hurdadu ay u tahay geed uu jiifsanayo Laamaha guntoodana ka dega waaga galacdiisa Subaxdii garmaamada sidii guunyada u foofaIyagoon go'yaal iyo lahayn macawis giirgiir leh Iyagoon garays iyo xidhnayn ama guntiinooyin Garbasaaro iyagoon ku dedin madaxa guudkiisa Gog la jeexay iyagoo hilbaha gaara ku ilaasha Iyagoo gelgelin taagan iyo meel an gacal joogin Garba-weyne Aar iyo la nool goodirkiyo cawsha Hadba goosankii hadha dugaag gooyo cidhibtooda.

Gugoo da'ay cirkoo gooddiyada geydh ka soo kiciyeyDhibic gaw tidhaahdiyo hillaac galalacdii muujeyDaruuraha guntamay oo Ilaah godol ka sii daayeyIyagoo gariiraaya oo gawsahays dhaafshey,Haddana aan gabbood iyo lahayn goobo lagu eertoGabayooxa dayreed ka gala godadka hoostooda,In baa garatay haddii gudin la helo inay wax goynayso.In baa goobtay goortii tashiga geedka laga sheegayIn baa garatay guri inay dhistaan aanu gelin roobkuIn baa goysey laamaha markay taladu soo gaadheyIn kalaa gufeysoo dabeed xaadhey gudihiisa.

In baa garatay geeliyo adhiga daaqa garabkoodaInuu Guulle siiyoo iyaga goonni ugu deeqayIn kalaa u guuxdoo dabeed galab ku soo heestay.In baa garatay gaax inay qabaan gaajo bi'inaysaIn baa gaawahaw qaaddayoo godol ka soo dhiijeyIn baa garatay gool laga qashiyo wananka geesaa lehIn baa gawrac marisoo dabeed hilibki googgoysey.

In baa garatay gocondhada lugaa goobtay cidhibtooda Wax la geliyo goortay helaan lugaha guudkooda Gudoodiga inay hidin karaan guure-socodkooda.In kalaa guddoon qaadatoo saan la kala gooyey Ku ganuuntay maankooda oo fay-gammuur curisay.

In baa garatay geeddiga haddii awrta lagu guuro Gaadiid haddii laga qabsado guudka laga fuulo Marna guriga qaaddoo carruur gurada loo seexsho In kalaa gar soohdoo hoggaan gelisey qoortooda.

In baa garatay ganacsiga haddii laysu kala goosho Oo gobolba gobolkawgu dhow geeyo wuxu doonoGoosarad haddii laysla helo guufku wuxu joogo Qiime go'an in loo jari karoo laysla garanaayo.In kalaa giraan lagu cabbiro galaxba qaadkiisa Miisaan u goonniya unkoo gaar isugu hawshay,In kalaana goobtii timoo gadatay iibkiina.

In baa garatay ruuxii godkiyo iilka garab yaallaIn kastoon naf mawdkeedi galay geeri laga baajinIn la helo gargaar wax u taroo gooya nabarkiisa,In kalaa gob xididkiisa iyo gaxadhka baarkiisa Gawlallada caleenteeda iyo gobollo saytuunaGumarta iyo toontii intay meel isugu geysey Dheecaan ka soo gororisoo galab intay qooshtayGoobtii ku daaweysey iyo meeshi gubaneysey.

In baa garatay goobaha bannaan guga horraantiisaHaddii loo guntado oo dabeed ciidda la gaddoonshoInay beer wax laga goosto oo gaara noqon doonto,In kalaa abuur gelisey oo waajibkii gudatey.

In baa garatay ruuxii gar daran dhaawac ama geystaGod madow in lagu tuuro oo gaadhna lagu meersho,In kalaa gig tidhi oo bileys geesha soo kicisay.Guddi loo sameeyiyo in baa guurti magacowday.In kalaa go'aan iyo sharciga qodobbadii goysey.

In baa garatay gebi aan dumeyn iyo gidaar taagan,In kalaa gorfaysoo rakibay daar an laga guurin.In baa garatay laydh galalacloo gudaha nuur siiyaIn kalaa guluub iyo nal iyo koronto gaadhsiisey.

In baa garatay garabkiyo biyaa guudka lagu dhaanshoIn la gebagebeeyoo la helo guriga qaar yaalla,In kalaa qasabad aan go'ayn gelisey hoostiisa.

In baa garatay gaadiid socdoo gaadha meel durugsanOo guuxa orodkiisa aan laga geyoonaynin,In baa biro is-gudub-teedisoo tareenkan gawdiidaGarashada ku maamuustayoo guudka ka dabooshay,Gondihiisa qaarbaa ku xidhay giraan la soo laabay,In kalaa gudaha ugu dhacdoo geyrar u samaysay,Wax gariir sameeyiyo mashiin qaar kalaa geliyey.

In baa garatay haadkaa gablee dunida gaafmeeraGorgorkiyo sidaa xuunshadaa lalaya guudkeennaIn la helo wax gaadhoo iyaga roora gudubkooda,Garbihiisa wiil baa ka lulay baalal geesaha'e,Hadba geedka geedaha u dheer guudka kaga boodyeIn kastuu ku geeryoodey oo gebi ka soo duulayWalaalii gudboonaa ayaa gaadhey libintii.

Intaasoo galbood buu khalqigu goorba meel degaye,Imminkana dadbow guurey oo gaadhey dayixiiyeMaskaxdii wax soo goosatana guuli wow timiyeCaqligii gudhnaadaa inuu gaabsho way tahaye, Iska daa inay GEEDDI-SOCOD hore u guuraaneImminkay gawaan taaganyiin gegi dadkaygiiyeImminkay gelgelin jiifsadaan goray sidiisiiyeGo'la'aan hadday yuururaan gawdhe dhaxameedeImminkay gadaal ugu noqdeen guurihii beriyeHadday guunyo kala-qaadayaan geel nin foofsadayeImminkay gardaadsheen qabiil goonni loo dhaqay.

Gabbal dhacay habeenkoo gab yidhi gaadmo iyo weerar Gudcur dama dad gaajoonayoo gaasas lagu xeeray Gacmo dhiig leh gaalleef afliyo gawrac lays mariyo Xinjir gorortay ilmo gobo'leh iyo dhaawac gegi jiifa Goofaf qodan xabaalaha gudboon meyd is-garab yaalla Godob ururtay ciil gaammuriyo baaddil gacan dhiirran Cilmi gudey tacliintoo gudhiyo jaahilnimo gaaxsan Gar cadhootay talo guurtey iyo guurti hadal deyseyGadh-castiyo raggii talin jiroo geedka laga waayey Gu-jir qaxay gariir kale maqliyo guuto daba taagan Gabbashada dagaallada bartoo geed ku dhuumanaya Agoon geesha gawsaha waxay geliso aan haysan Gaajadiyo harraadkay qabaan godanyey beerkoodu.

Intaasoo gammuunbaa ku mudan gogosha soomaaleGaagna waa ka soo hadhay dadkii goosan iyo xayneHaddii ay go'aan leeyihiin lama gumaadeeneHadba kii sidii geedka jara geesi lagu sheeg.

Gaaraa-bidhaankuba wuxuu guudka ka hillaacoGuuraa habeenkii wuxuu galac yidhaahdaabaGuluub baxay wuxuu muujiyoo goonni u iftiimoIsha gacala-eegtaa waxay gaar u dhugataabaInta uu gal-siibtuu mar qudha geed is-mariyaayeDhuugga geela miciyaha geshee gororsha dhiiggiisaEe aan ka go'in buu noqdaa ganaya jiidhkiisa.

Roob-la-dhacu gugoo hooraybuu gobo'da muuqdaayeIsagoo godkeedii cadceed gelaysa aad mooddoOo midab guduudlihi casaan gees walbow dhaashtayIshu waxay ka go'i weydo oo gaar u dhugataaba Indhuhu goonni ugu dhaygagaan quruxda guud saaranInta uu gal siibtuu mar qudha geed is-mariyaaye Kudkudaha gumaaduu noqdaa Gooya xoolaha'eInta uu gal siibtuu haddana geed is-mariyaaye Garangoorri weeyaan haddana goobta xoolaha'eInta uu gal siibtuu haddana geed is-mariyaaye Gafanaha ku giganee halkuu gano an sii deyninEe aan ka go'in buu noqdaa iyo gabaarrey.

Innagana guddoonkaan xulliyo guurtidaan dirannoGadh-wadeennadaan doorannee gaar u filannaabaIyaguna geddaasoo kaley geed is-mariyaaneGungumiyo Abeesay noqdaan gaar inoo jaqa'e.Kuwa libinta gawraca ka deyey way gedmanayaane,Gallad iyo hadday magac fisheen wow garaad li'iyeGuntigooda ceebbaa ku xidhan guul-darriyo hoogeNin waliba wuxuu geystey buug goonniyaa qoriye.

Kuwa galalka dhiigga ah sidii harada guud joogaXinjiraha la soo gororiyey fayl u gelayaaneNin waliba galaan buu darsaday gaar u leeyahaye,Hadba galaxa kii buuxsadaa gaadha meel sare'eGu-jir uurkibay dooxayaan goor iyo ayaaneNin gaboobey beerkiisibay raran gubmoodsheeneGashaantiday caloosheedibay geed ku wadhayaaneBir-ma-geydadeennay sidii haadka gigayaane.

Gurdan-socodka guuxooda iyo socod-gashlayntoodaIyagoo is-garab yaacayoo guuto kor u dhaafay Iyadoo gablooshoo gudhoo godolla aan dhiiqinIyadoo galoof noqotayoo gommodey naaskeeduNin waliba gobaad buu rabaa inuu garraaxaaye,Gashaan-qaad isagoo aan ahayn gabadhi yeeleyso Nin waliba inuu guursaduu geliyey laabtiisa.Isagoo gartiyo aan aqoon geedka laga doodoNin waliba guddoonshuu rabaa gooya taladeenna, Nin waliba gucluu ugu jiraa haybad goonniyahe, Gelbis iyo ciyaar bay janteen sacab-garaaciiye,Salaan gaara bay doonayaan inay guddoontaane,Garoommay u wada ciil qabaan guudka laga saaro.Golihiyo kursiga ay fisheen xoog in lagu gaadhoWaxa geya ninkii garashalee shicibku geystaaye.

Wax gumeeyey Soomaali waa qaar gabbaanadaneIyagaa garaamkiyo na baday gorofka caydheede.

Inta giib sokeeya ah ka kacay geyiga SoomaaliInta gumar mid daaqsiiya iyo geeri la xasuustoMid ganboor u qooshiyo intay mudatay Geel-toosheLaylis aan la geda-barin intuu goonni ula buubayGabnay iyo gulaal buu noqdaa Garawo awrkeedeHadba Goray an guux yeelan baa Geel u doobsadeyWuxuun baa gollaha kaga jiroo gaar u fiigsada'e,Gabgabliyo waxaa lagu salliday gaabis aan talineGurgurshaa hadday heli lahayd maalin lagu guuroAma taladu googgoos tohoo laysla goynaayoGunaadka iyo ragaadkaa ku yaal kuma gahaydheeneGaraabbiidadaan dhaadhacdeen gudaha Nuurowe,Gar-ma-qaatayaashiyo kuwaa gubaya ciiddeennaDadkow goojinaayee haddaan gacani taageerinNin kastaaba gool kuma dhasheen goonni ugu laadayNin kastaa ma goofaadhiyeen gobey Cismaanow.

Gudin bay dadkaygii noqdeen lagu gabraartaayeGolxob uu rag qaatay noqdeen gumaradoodiiyeWaran iyo gammuun bay noqdeen laysku ganayaayeDhallinyarada Geeska Afrikaa gabay xilkoodiiyeDhengedaha la goostay noqdeen GabannadeediiyeDadkaa lagu garaacaa sidii guunyo socon weydeyIyana gooli-baadh bay noqdeen gumucu leefaayeAakhiray u guureen raggii guga i le'ekaayeGalabtii kastaba kuwa go'aa gedahay weeyaane,Inta gabadh u soo feedhatee sugeysa guurkoodaInta gololo qaaliya la baday guun an la aroosinGodobtiyo xumaatidu inay goonni ugu taalloGashaan-qaadka soo hadhay hadduu garan lahaa maantaNinna guuto muu laylyadeen uu gaar u leeyahaye.

Hubka gacanta laga tuurayaa waa genka i le'ege,Goblan iyo inay quus yihiin galabta yow sheega,Ciiddu inaanay gaadh iyo lahayn gulufna yow muuja.

Nin kastoo gumaad iyo la jecel shicibka gaaggaabisIsagaa gacmuhu daalayaan Ina Gawaadhow'eGudhi mayso Soomaalidanu waa bad aan go'in.

Rag gar sii gartaadana u sheeg yaanu gocan taada Garowshiinyahays dhaafsataan reebtay godobtiiye Gacal iyo walaal baa nin raga lagu gardaadshaaye Gebagebo colaadeed haddaad maalin gacan saartidIsagaba xiniinyaha ku gubey waa gilgilayaaneWeli qaar gaggabayaa jiree gar Alla yow sheega.

Nin gar daran haddaan gudub xadhkaa dabarka loo giijinGarba-duub haddii aanay qaban galab xigaalkiisu Haddaan geed qudhaanjaleh mareeg qoorta loo gelinninIyadoo galool lagu tigtigay guudka laga daawan Gawl lagu gartiyo lagaga dhigin sumad gafuurkiisaBaadi-sooc haddaan ganafku noqon goonni ugu yaalla Qabiil bayna gaabshaye haddaan gobollo loo soocminIntii guunyo wada daaqsataa gaar isugu duubminGarashada wax-soo-saar haddaan lagu geyeysiinninXilka guriga hoos yaal haddaan ruux kastaa gudannin.

Ha ka filan dadweynoow inaad libin ku geeraarto.
Ha ka filan dadweynoow inaad libin ku geeraarto.

**********************D H A M M A A D.

No comments: