Monday, December 19, 2005

Deeq Raashin Ah Oo Maal Qabeenka Al Camuudi Ugu Yaboohay Somaliland Oo Aan La Garanayn Meel Ay Jaan Iyo Cidhib Martay

Hargeisa (Somaliland. org) Raashin Deeq ah oo Maal Qabeenka Ethiopian-ka ah balse asalkiisu ka soo jeeda Dalka Yemen ugu deeqay Sannadkii 2004 Shacabka Reer Somaliland ayaan haba yaraate la garanaynin meel raashinkaasi jaan iyo cidhib maray.

Wergeyska Maalinlaha ah ee Haatuf Cadadkiisii Maanta Boggiisa 1-aad ayaa Warkaasi waxaa lagu sheegay in Al Camuudi uu deeqdani Gacanta ka geliyey Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Madaxweyne Rayaale Cawil Cali Ducaale mar uu safar ugu yimid Magaalada Addis Ababa, safaradaasi oo ahaa kuwii qarsoodiga ahaa ee Wasiirku hore u beenin jiray, Wergeyska Haatuf oo soo xiganaya Maal Qabeenka Alcamuudi ayaa wuxuu tibaaxay in Deeqdani oo ka koobnayd shixnado raashin ah oo la socotay Markab weyn oo kuwa Raashinka daabula ah kana yimid Khaliijka Carbeed uu badhtamahii Sannadkii 2004 ku soo xidhay Dekedda Magaalada Berbera, Wuxuu Wergeysku tibaaxay in Raashinkani iyo agabkii kale ee la socdayba Suuqa Madaw la geeyey iyadoo Maamulka iyo fullinta Raashinkanna uu qayb weyn ka ciyaaray Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale oo isagu Suuqa gashaday.

Wergeysku wuxuu tibaaxay in loo isticmaalay qarsoodiga ama qarinta Warka Deeqdani raashinka ah ee Somaliland ugu yaboohay Maal Qabeenka Al Camuudi si dadban oo aan la ogaan karin, balse hadda ay keliftay Madaxweyne Rayaale iyo Wefdigii uu hogaaminaayey oo dhawaan kulan la yeeshay Maal Qabeenka Alcamuudi sidaasina Al Camuudi u sheegay Madaxweyne Rayaale, wergeysku wuxuu tibaaxay in Warkani uu ka hellay ilo lagu kalsoonyahay oo ku dhaw Maal Qabeenkani Al Camuudi

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
SOMALILAND.ORG, HARGEISA.
Somaliland.org@gmail.com

No comments: