Monday, December 19, 2005

War degdeg ag: Maxaa ka Jira Adna Aadan Dhakhtar oo Is Casishay Wasiirada Arrimaha Dibada


Waxaa maanta magaalada Hargeysa warar xukuumada ka soo yeedhay sheegayaan in Adna Aadan Dhakhtar oo indhawaydba aad uga aamuusnayd arrimaha Siyaasada iyo hoggaaminta Madaxweynaha Somaliland mudane Daahir Riyaale ay u gudbisay iscasilaad Madaxweyne Ku-xigeenka iyada koobina u dirtay ama ku socodsiisay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ?

Waxaa wararkaasi sheegayaan in uu jiray khilaaf soo jireen ah iyo ismaandhaaf xagga siyaasada arrimaha dibada ah iyo habka ictiraafka loo raadinayo oo Marwa Adna ku keliyeysatay dhexna maray Madaxweynaha iyo Marwada, waxaase la sheegayaa in socdaalkan ugu danbeeyey ee madaxweynuhu ku baxay ay sii kala fogeysay wasiirada iyo Madaxweynaha. Sidoo kale xanta suuqa ayaa sheegaysa in Wasiirka Warfaafinta lagu bedelayo Marwo Adna, sidaas darteedna ay Adna Aadan iyadu isu casishay inta aan xilka laga qaadin. Dhamaan arrimahaas oo aad laysu waydiinayo ayay soo shaacbaxday hadalhaynta iscasilaada Wasiirada Somalilnd.

Annaga oo wixii warkaas ka soo kordha idinla socodsiin doona, waxaanu isku daynay in aanu xidhiih ku saabsan arrimahan iscasilaada la yeelano Wasiirada oo wax ka waydiino sida xaqiiqadu tahay, waase noo suurtogeli wayday, dhinaca xukuumada oo aanu su,aalo ka waydiinay qaar wasirada ka tirsanina waxay noogu jawaabeen, marwada Adna ayay khusaysaa ee la xidhiiha. Siday doonto ha noqotee Marwa Adna waxaa aad laga tebi doonaa dhinaca shacbiga iyo dadaalkii ay waday ee ictiraafka oo faraheeda Madaxweynaha Somaliland ka maroojiyey, waxana lays waydiinayaa ma buuxin karaa kaalinteeda Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Wasiirka Warfaafintu ee jagadaa Madaxweynuhu u carbinayaa ?

Somalilandfuture Online

No comments: