Thursday, December 29, 2005

Gudidii Labada Gole u Saareen Baadhistii Falkii Cusbataalka oo u Yeedhay Wasiirka Arimaha Gudaha

Gudidii ay labada gole ee Baarlamaanka iyo Guurtidu u saareen baadhistii falkii ka dhacay cusbataalka Guud ee Hargeysa, ayaa maanta u yeedhay wasiirka A/Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska.

Gudida ayaa baadhaysa cidii bixisay amarka ay Ciidamada Boliska iyo ciidanka Qalabka Sidaa ee Milatarigu ku weerareen Cusbataalka Guud ee Hargeysa bishan 24dii.
Kulanka loogu yeedhay wasiirka iyo taliyaha ayaa albaabadu u xidhnaayeen, waxayna gudidu wax ka waydiinaysay cidda bixisay Amarka lagu galay cusbataalka.
Wararku waxay intaas ku darayaan in berrina ay gudidu u yeedhayso Wasiirka Gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanaka Milatariga.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Nuux Taani ayaa la gaadhsiiyay maalintaas nabar madaxa ah, kaas oo la sheegayo in uu u liito.

Source: Awdalnews Network

No comments: