Thursday, December 29, 2005

Magaalo Madaxda Gobolka Togdheer Oo Tuugtii Madaxweynahu Cafiska Ku Sii Daayay Ay Faro Baas Ku Hayaan


Somaliland.Org, Burco, Somaliland-Mudooynkan danbe Magaala Madaxda Gobalka Togdheer ee Burco ku soo badatay Tuugta iyada oo ay isu raacaan Koox Koox ama is Garabaysi si ay isaga Caabiyaan Cidii ay dhacayaan ama boobayaan, Tuugtan oo lagu soo daayey cafis Madaxweyne Cidiil Fidrigii dhowayd. Tuugtan ayaa Argagixiso ku noqotay Dadyaowga reer Burco iyadoo qof waliba ku fakarayo sidii uu isga difaaci lahaa.

Waxaa Jirta ama dhacada in Maalin kasta lagu boobo Dumarka ka adeegta Suuq weynaha ama Sariibadii waynayd ee Magaalada Burco. Halkaas ooy kaga qaadan kuna boobaan dhamaan waxay ku sitaan Saladaha ama gacantaba, sida Mobile ka ama Lacagaha IWM. Hadaba waxay noo sheegtay Gabadh ka mida dadka cabanaayey in Subax kasta lagu dhaco si badheedh ah ayada iyo Dumarka ka adeegta Sariibada weyn ee Buraco iyo sida aanay Boliska Magaalada Burco aanay arimahaas Waxba uga qaban , Waxaa Kaloo jira in ay tuugtu si weyn u soo qaadatay Kana ugaadhsadaan Habeenkii luqyada Madow e Magaalada Burco habeen walba oo aad Maqlayso Qofbaa Halkaa Lagu Dhacay oo Tuugi dishay ama ay ku Baadheen waxay Kaloo sameyaan in ay u dhacaan Guryaha badaana Gawaadhida Dhex Taala Gaydhadhadha Guryaha.

Waxaa Taa ka sii daran iyadoo ay sitaan Hubkii ay iskaga Celin lahaayeen Marka Lays yidhaahdo iska Caabiya ama ka rida waxay boobeen Waxaa Hadaba is waydiin mudan Booliska Burco ay Wax uga qaban la'a yihiin tuugtan wadnaha cadaysay Muwaadiniintan reer Burco oo habeen iyo maalinba tuugtu daglaal aan kala go’lahayn ay ku hayaan tuugtu. Su,aashaas jawaabteeduna waa mid ilaa iminka laga sugayo Madaxada Gobolka Togdheer iyo Ciidamada Amaanka ee Gobolka Togdheer.

Jaamac Xuseen Yalaxle

Wariyaha Gobolka Togdheer Somaliland.org

No comments: