Friday, December 09, 2005

Jaaliyadda Somaliland ee Denmark oo hambalyeynaysa shirguddoonka cusub

Annagoo ah xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kana tirsan jaaliyadda Somaliland ee Copenhagen, waxaannu hanbalyo diirran hawada u marinaynaa shirguddoonka cusub ee loo doortay golaha wakiillada Somaliland: Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Xildhibaan prof. Cabdicasiis Muxumed Samaale iyo Xildhibaan Baashe Maxamed Yuusuf.

Waxaannu Ilaahay uga baryeynaa inuu shirguddoonka cusub ee golaha wakiillada u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, annagoo u rajaynaynaa inay muddada xilkaas loo doortay ku dhammaystirtaan guul iyo si farxad gelisa dhammaan dadwaynaha Somaliland.


Ilaahay samaha ha ina waafajiyo Idilkeen.

1. Cabdi Aadan Xaad ( Cabdi Qays)
2. Cali Dubbad Xiiray (Cali Xeedho)
3. Muuse Sheekh Axmed (Muuse Dheere) / wakiilka Somaliland ee Denmark
4. Maxamuud SheekhYuusuf
5. Prof. Cabdillahi Diiriye Aw Guuleed (Carraale)
6. Muuse Saxar / wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Itoobiya
7. Iimaan Kaamil Jibriil
8. Axmed Maxamed Ciise (Axmed Madoobe)
9. Mustafe Jaamac (qalabjaan)
10. Axmed Diriye Liibaan

No comments: