Tuesday, December 13, 2005

Kuma ayuu ahaa Siciid Sandheere?

Hargeysa(Jam)- Waxa shalay Magaalada Hargeysa lagu aasay Alle ha u Naxariiste Marxuum Siciid Faarax Cali-darwiish(Sandheere) oo ka mid ahaa Tifaftirayaasha Wargeyska Madaxabanaan ee Jamhuuriya oo maalintii Sabtidii 10 December, 2005, ku geeriyooday cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Marxuum Siciid Sandheere, waxa uu u geeriyooday xanuun jeeni wareen ah oo ku soo booday oo uu u jiifay muddo ku siman Afar Maalmood.

Alle ha u Naxariiste Marxuum Siciid Sandheere oo lagu aasay Xabaalaha Waqooyiga Hargysa, waxa aaskiisa ka soo qayb galay Beesha SAxaafadda, Xildhibaano Golaha Baarlamaanka, Madax ka tirsan Dawladda, Ururada Bulshada, Masuuliyiin ka tirsan Hay’adaha Samofalka iyo ASxaab kale oo tiro badan oo ka kala yimid gobalada dalka.

Illaahay Naxariiste janno ha ugu deeqe, wuxuu ahaa xubin Muhiim ah oo kaalin firfircoon kaga jiray ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Marxuumka oo muddo afar sannadood ah ka tirsanaa hawlwadeenada Wargeyska Jamhuuriya xilal kala duwan ka soo qabtay wuxuu markii u dambeysay ahaa Tifaftiraha Wararka Caalamka(Foreign News Editor).

Alle ha u Naxariiste Marxuum Siciid Sandheere, waxa uu ahaa suxufi karti badan, dedaal badan oo ahaa madaale hadh iyo habeenba u gooniyoobay hawlaha Saxaafadda.

Marxuumka Maddaalnimadiisa hawleed, waxa u dheeraa isagoo ahaa shakhsi ku sifoobay dabci wanaag, dulqaad, bulshaawi, dhawrsanaan, deeqsinimo, aftahanimo aan laga xiiso gayn haasaawihisa iyo kaftankiisa kuna fiicnaa ku dhaqanka cibaadada iyo Diinta, waxaanu ahaa nin u Naxariis badan dadka jilicsan.

Marxuum Sandheere, waxa uu ku dhashay degmada Caynaba sannadkii 1963, Waxbarashadiisii hoose iyo dhexena wuxuu ku soo qaatay Gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkii Soomaaliya, Waxbarashadisii sarena wuxuu ku soo qaatay dugsigii sare ee Beeraha Camuud 1980-1983.
Ka sakow hawlaha Saxaafadda Marxuum Sandheere, wuxuu ka shaqeeyay Barnaamijka Miino saarka ee Hay’adda Danish Demining Group oo uu ka ahaa Supervisor muddo laba sanadood ah.
Alle ha u Naxariste Marxuumku wuxuu ifka kaga tagay Xaas iyo Shan Carruur ah, Saddex Wiil iyo Laba Hablood.

Illaahay Naxariiste janno ha ka Waraabiyo.

Jamhuuriya Online

No comments: