Monday, December 12, 2005

Kal Fadhigii 1-aad Ee Golaha Wakiiladda Oo Khudbado Kala Duwan Ay Ka Soo Jeediyeen Masuuliyiinta Xukuumadda Golaha Guurtida Iyo Mucaaridku


Hargeisa (Somaliland.org) Kal Fadhigii 1-aad ee Golaha Wakiiladda oo Saaka Subaxii hore ka furmay Hoolka Golaha Guurtida, ayaa lagu casuumay Masuuliyiin kala duwan oo khudbado kala gedisan halkaasi ka jeediyey.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo Furay kal fadhigani ayaa waxaa lagu casuumay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Faysal Xaaji Jaamac, Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka Axmed Xaaji Cali Cadami, Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Sheekha Caanka ah Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir, iyo Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin.

ugu horayn Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo hadal kooban madasha kal fadhigani ka jeediyey ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday Baahiyaha weyn ee looga fadhiyo golahani wakiiladda, Mudane Saleebaan Gaal Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu ku adkeeyey Mudanayaasha Cusub inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen Dastuurka Qabyada ah Guddoomiyaha Golaha Guurtidu isagoo ka hadlaya Arrinta Dastuurka Wuxuu yidhi "Waar Ilaahay ayaan idinku dhaarshe Dastuurkani sida Geed la duuduubay aad moodo ee aynu maalin walba ku murmayno curinteeda idinka lahe innaga dhamaystira qabyadiisa", ugu danbayn Guddoomiyaha Golaha Guurtidu wuxuu kula dar daarmay Mudanayaasha Cusub ee Aqalka Wakiiladdu inay xil weyn iska saaraan sidii Aqoonsi loogu raadin lahaa Somaliland.

Waxaa isaguna halkaasi Khudbad ka jeediyey Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka Axmed Xaaji Cali Cadami, Wuxuuna Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qarranku uu si weyn Ammaan ugu soo jeediyey Xildhibaanada Cusub ee Golaha Wakiiladda oo uu ku tilmaamay qaar samir iyo dul qaad weyn oo xilkasnimo ku dheehantahay muujiyey Dhawaan khilaafkii soo kala dhex gallay Golaha, Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Qarranka Axmed Cadami waxaa kale oo uu kala hadlay Mudanayaasha Cusub ee Wakiiladda inaan keliya loo baahnayn saacado dheeri ah oo shaqada la qabto balse loo baahanyahay ayuu yidhi dar dar gelin shaqada balaadhan ee golaha wakiiladda u taalla la dar dar geliyo si loo dhamaystiro baahiyaha lagama maarmaanka ah ee Qarranku u haraad qabo.

Dhinaca kale Waxaa isaguna hadal ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare Somaliland Faysal Xaaji Jaamac, Wuxuuna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare usoo jeediyey Golaha Wakiiladda ee Cusub in la shaqo geliyo sharci yaqaano Somalilanders iyo ajaanib ah oo ka caawiya Golaha dhamaystirka Xeerarka Dastuurka ee Qabyada ah, Guddoomiyaha Maxkamadda sare wuxuu aad ugu adkeeyey Golaha Sharci dejinta inay xil weyn iska saaraan qabyo tirka Dastuurka iyo xeerarka u baahan naaqishaadda ee Dastuurka Qarranka.
Waxaa Kale hadal qiimo iyo qaayo badan huwana ka jeediyey Madashii maanta ee Golaha Wakiiladda Sheekha Caanka ah Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir oo tusaalayaal fiican iyo xadiisyo kala duwan siiyey Golaha sida khilaaf iyo fikrad kala duwanaansho markuu ku yimaado golaha looga bixi karo, wuxuuna sheekhu kula dar daarmay inay cabsida ilaahay iyo awaamiirta alle markasta wax kasta ka hor mariyaan.

Waxaa kale oo markii ugu horaysay Madasha ama kal fadhiga Golaha Wakiiladda Khudbado kala duwan ka jeediyey Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ah KULMIYE Axmed Siilaanyo, iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ugu horayn Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Siilaanyo oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa wuxuu ku nuux nuuxsaday sida loogu baahanyahay is qadarin, wada shaqayn iyo dedaal balaadhan oo Golaha Wakiiladda dhexdiisa ka abuuranta, Waxaa kale oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ku nuux nuuxsaday sida loogu baahanyahay fahamka salka Dimuqraadiyadda aynu aas aaskeeda bilawnay wuxuuna Axmed Siilaanyo isagoo arrintaa ka hadlaya iftiimiyey sida looga baahanyahay in qofkasta loogu qadariyo looguna ixtiraamo fikradiisa siyaasadeed ee uu aaminsanyahay oo ah ayuu yidhi halka ay Siyaasadda iyo abuurkeedu ka hanaqaado, wuxuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE isagoo la hadlaya Mudanayaasha Cusub waxaa la idiinka baahanyahay inaad mar walba wax kasta ka hor marisaan adkaynta Nabad Gelyada, Helidda Cadaalad dhab ah oo dalku ku taamo, iyo samaynta sharciyada lagama maar maanka ah.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE wuxuu daaha ka qaaday inay jiraan Haayado iyo dawlado diyaar u ah inay wax weyn la qabtaan Golaha Wakiiladda hadday noqoto xag aqooneed, xag Maaliyadeed iyo xag tababarba, isagoo arrintaasi ka hadlaya wuxuu yidhi waxaanu is aragnay oo aniga khaas ahaan aan la kulmay Haayado iyo Dawlado badan oo qarbi ah oo si weyn ugu heelan inay idinka caawiyaan waxyaabaha aad u baahantahiin.

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID ayaa isaguna Khudbad uu si weyn ugula dar daarmaayey Mudanayaasha Madasha ka jeediyey Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Wuxuu ku adkeeyey Golaha inay si dhakhso ah u hir geliyaan sharciyada Dhaqaalaha, Maamulka, Siyaasadda, Dawladaha Hoose I.WM.

ugu danbayn Waxaa khudbad balaadhan ka jeediyey Madasha Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin oo si weyn oo balaadhan ugu sharaxay Mudanayaasha Cusub Habka Shaqada ee Golahu noqon doono, Madaxweyne Ku xigeenku wuxuu ka hadlay xaaladda ammaanka ee Gobolka Togdheer gaar ahaan Caasimadda Burco oo uu sheegay inaanay ka hadhayn ee arrintaasi ay sida ugu dhakhsaha badanleh xalkeeda u keeni doonaan, Madaxweyne Ku xigeenku waxaa kale oo uu Farriin u diray Labada Guddoomiye ee Xisbiyada Mucaaridka ah isagoo usoo jeediyey in la sameeyo Guddi ka kooban Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaridka si loo yareeyo khilaafka iyo kala fogaanshaha ku dhex jira Labada dhinac, markii Madaxweyne ku xigeenku uu arrintaasi ka dhawaajiyey ayaa waxaa sacab iyo laab la kac weyn ku soo dhaweeyey Mudanayaasha Cusub ee Wakiiladda iyo Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka ugu danbayntiina wuxuu Madaxweyne ku xigeenku kula dar daarmay Golaha Cusub inuu muujiyo wada shaqayn dhaw kana hor mariyo danta gaarka ah Ta Qaranka
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND, HARGEISASomaliland.org@gmail.com

No comments: