Wednesday, December 07, 2005

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta wuxuu Xarunta Madaxtooyada Qado Sharafeed ku casuumay 82 Mudane ee Golaha Wakiiladda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta wuxuu Xarunta Madaxtooyada Qado Sharafeed ku casuumay 82 Mudane ee Golaha Wakiiladda.

Casuumaddani oo Madaxweyne Rayaale ku tilmaamay isbarasho isaga iyo Xildhibaanada Cusub iyo sidii wada shaqaynta Xukuumadda iyo Baarlamaanka Cusub loo horumarin lahaa, Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiiladda Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo aan wax ka weydiiyey bal inay Madaxweynaha ka wada hadleen intii ay qado sharafeedkani ku guda jireen Ajandayaasha Cusub ee Guddoomiye ahaan u qorshaysan, wuxuu Cabdiraxmaan iigu jawaabay Maadama oo aanan la wareegin Shir Guddoonka oo maalinta khamiista ah haddii alla idmo aanu u ballansahay la wareegidda shir Guddoonka Cusub, wixii tallo iyo qorshayaal ah waanu iska arki doona, balse tani waxay ku koobantahay Casuumad isbarasho oo Madaxweynahu noo fidiyey.

Source:Somaliland.Org

No comments: