Thursday, December 08, 2005

XIL-WAREEJINTII MAAMUL OO MAANTA KA DHACAYSA XARUNTA GOLAHA WAKIILADA

Sida wararku nagu soo gaadhayaan, waxaa xafladii shalay ee madaxweynuhu qabtay, ka soo qayb galay Shir-gudoonkii hore, ee Golihii Wakiilada ee Xiligoodu dhamaatay, Md. Ahmed Mohamed Aadan Qaybe Gudoomiyihii Golihii hore, Md. C/qaadir Jirde Guddoomiye Ku-xigeenkii 1aad ee Golihii hore iyo Md. Cilmi Gudd. 2aad ee Golihii hore, oo haatan ah la taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Gudaha, kuwaas oo u soo diyaar garoobay inay ku wareejiyaan Shir-gudoonka Cusub Xilkii maamul ee Golaha Wakiilada.

Sidaasi darted, waxaa maanta la filayaa in ay xil-wareejintii maamul ka dhacdo xarunta Golaha Wakiilada, halkaasi oo ay xilka kula kala wareegi doonaan Shir-gudoonka Cusub iyo Shir-gudoonkii wakhtigiisu dhamaaday, ayna goob joog ka noqon doonaa shaqaalihii Golaha Wakiilada.

Somaliland Future Online Hargeisa

No comments: