Tuesday, December 27, 2005

Madaxweyne Rayaale Oo Markii Ugu Horaysay Shaaca Ka Qaaday Inuu Isku Shaandhayn Ku Samaynayo Golahiisa Wasiirada Markuu Dalka Ku Laabto


Hargeisa (Somaliland.org) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa mar uu xidhiidh khadka telephone-ka oo aan la shaacin la yeeshay Weriye ka tirsan Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da Siciid Cali Muuse, Wuxuu u sheegay in sida ugu dhakhsaha badanleh isku shaandhayn iyo bedelaad ugu samayn doono Golahiisa Wasiiradda Ama Xukuumadda marka uu Dalka dib ugu laabto dabayaaqadda Todobaadkani.

Madaxweyne Rayaale oo la filaayey ka dib Doorashadii Golaha Wakiiladda ee dalka ka qabsoontay inuu isku shaandhayntani samayn doono ayaa markasta wuxuu si dadban u sheegi jiray inuu ku dhaqaaqi doono, balse Madaxweynahu hore uma uu cayimin wakhtiga iyo goorta uu ku dhaqaaqi doono isku shaandhayntani golahiisa wasiirada uu ku samaynaayo, balse dhawaaqa ka soo baxay afka Madaxweynaha haatan ayaa muujinaya sida ay uga go'antahay Madaxweyne Rayaale inuu sameeyo dawlad ka tiro yar ta hadda jirta, iyadoo la filaayo in Xubno ka tirsan golahiisa wasiiradu ay waayi doonaan Jagooyinka ay hayaan, halka qaar badan la isku bedeli doono.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG, INFORMATION CENTER, HARGEISASomaliland.org@gmail.com

1 comment:

Anonymous said...

Wager!!!! Walee ama dadkan baa waalan ka sugaya Rayaale inuu shaadhayn sameeyo amse Meel kale ayaa la heestu ka socotaa.