Tuesday, December 27, 2005

Wasiiradda La Filaayo In Isku Shaandaynta Iyo Bedeladda Madaxweyne Rayaale Saamayso Iyo Weliba Xubnaha Cusub Ee Ku Soo Biiri Doona

Hargeisa (Somaliland.org)Waxaa Maalintii shallaytoole ahayd Mar Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu waraysi aan la shaacin siiyey Weriye ka tirsan Idaacadda Laanta Afka Soomaaliga ee B.B.C-da u sheegay in todobaadkani ka dib marka uu dalka dib ugu laabto uu golahiisa Xukuumadda ku samayn doono Isbedel iyo isku shaandhayn balaadhan, Haddaba Shabakadda Wararka ee Somaliland.org ayaa waxay samaysay shallay ilaa xallay baadhitaan balaadhan oo ay ku darsayso Wasaaradaha laga yaabo in Seefta isku shaandhaynta iyo Bedeliddu ay saamayn ku yeelato.

Wararka ku dhaw dhaw Docda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Madaxweyne Rayaale ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasaarado door ah wasiiradooda lagu samayn doono isku bedel, halka qaar kalana ay shaqadooda waayi doonaan, sidoo kale wasiiro ayaa iyaguna ku negaan doona jagooyinkooda oo aanay isku shaandhayntani iyo bedelaadani saamayn kuba yeelan doonin

WASIIRADDA LOO BEDELAYO WASAARADAHA KALE

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa la filayaa in loo bedelo Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha Somaliland.

2. Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi Gelina Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la filayaa in loo bedelo Wasaaradda Arrimaha Dibadda

3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Marwo Edna Aadan Ismaaciil ayaa la filayaa in loo bedelo Wasaaradda Caafimaadka iyo Shaqadda.

4. La Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada Cali Maxamed Waran Cadde ayaa la filayaa in loo bedelo Wasaaradda Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaa laga yaaba in Wasiiro kale loo bedelo wasaarado kale balse waxaanu isku dayi doona inaanu soo uruurino xogaha ku saabsan arrimahaasi.

WASIIRADDA WAAYI DOONA AMA LAGA ERYI DOONO SHAQADA

1. Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale (Cawil)

2. Wasiirka Ganacsiga iyo Wershadaha Nuux Sh. Muuse Ducaale

3. Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub

4. Wasiirka Qorshayna Qarranka Axmed Xaaji Daahir

WASIIRADDA CUSUB EE QABAN DOONA JAGOOYINKA

1. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la filayaa inuu noqdo Cabdilaahi Ismaacil Shabeel (Ciro) ahna hadda badhasaabka Gobolka Hargeysa

2. Wasiirka Qorshaynta Qarranka ayaa la filayaa inuu noqdo Cabdiraxmaan Sh. Cumar ahna hadda Duqa Magaalada Boorama.

Waxaan akhristayaal ka xunahay inaanan helin xog ku filan in la shaaciyo cidda noqon doonta Saadal ahaan Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Hawlaha Guud.

Sidoo kale waa dhici karaan in wasaarado kale lagu sameeyo isku bedelid iyo in xubno kale ay waayaan jagooyinkooda wasiiradda, waxaa kale oo wararka ku dhaw madaxtooyada iyo Madaxweyne Rayaale caddeeyeen in Dawladda Cusub iyo xubnaha ku soo biiri doona Golaha Wasiiradu ku koobnaan doonaan oo qudha Xisbiga tallada dalka haya ee UDUB.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG INFORMATION CENTER, HARGEISA

Somaliland.org@gmail.com

No comments: