Wednesday, December 07, 2005

MADAXWEYNE RIYAALE OO KULAN GAAR AH KU QAABILAY XUBNAHA SHIRGUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA

MADAXWEYNE RIYAALE OO KULAN GAAR AH KU QAABILAY XUBNAHA SHIRGUDDOONKA GOLAHA WAKIILADA

Hargeysa (Sooyaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa markii u horraysay shalay xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha shirguddoonka cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, kadib marki la soo afjaray murankii dastuuriga ahaa ee ka dhashay doorashadii shirguddoonka Golaha Wakiilada cusub ee ay dhexdhexaadinta ka galeen ergada Golaha Guurtida.

Xubnaha shirguddonka oo kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Guddoomiyaha Golaha Wakiilada iyo labada guddoomiye ku-xigeen, Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Baashe Muxumed Faarax, ayaa shalay waxa ay xafiiskiisa ku booqdeen Madaxweyne Rayaale markii laga soo dareeray shirkii Golaha Guurtidu ku kulmiyeen xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ay kaga dhawaaqeen go’aankii ay ku soo afjareen khilaafkii ka dhex aloosmay Xildhibaanada isbahaysiga xisbiyada Mucaaridka – KULMIYE iyo UCID – uiyo xisbiga talada haya ee UDUB.
Kulankaas qaabilaad ah oo aanay cid kale ku wehelin Madaxweynaha iyo Xubnaha shirguddoonka, iyada oo sxaafadda loo oggolaaday in ay sawiro keli ah ka qaataan kulankooda.

Madaxweyne Rayaale, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay qaabilaadaas kadib waxa uu sheegay in isagu uu xubnaha shirguddoonka ugu yeedhay kulanka uu la yeeshay si uu ugu hambalyeeyo xilka hoggaaminta Golaha Wakiilada ee cusub.

“Xubnaha Shirguddoonka Golaha Wakiilada, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey qasriga Madaxtooyada markii ay booqdeen shalay, iyada oo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakii kale oo ka mid ah Madaxtooyadu ay xubnaha shirguddoonka u sii ggalbiyeen Xafiiska Madaxweynaha. Farxad, furfurnaan iyo dholo caddayn ayaa wajiyadooda laga dheehanayay masuuliyiinta hoggaanka cusub ee wakiilada iyo madaxda Xukuumadda, iyaga oo erayo kaftan iyo duur xul ah ay isku tuurtuureen qaar ka tirsan wasiirada xukuumadda iyo xubnaha shirguddoonka Baarlamaanka, iyaga oo wada qoslaya.

WARIYE CALOOLAY
HARGEYSA SOOYAAL.COM

No comments: