Tuesday, December 06, 2005

Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ku Qanci Waayey Natiijadii Guddidii Golaha Guurtida Iyo Wasiiro UDUB Ah Oo Ku Kala Qaybsamay


Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ku Qanci Waayey Natiijadii Guddidii Golaha Guurtida Iyo Wasiiro UDUB Ah Oo Ku Kala Qaybsamay
Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 5 December, 2005
Hargiesa (Somaliland.org) Warar Xogogaal ah oo ku dhaw Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa xaqiijiyey in Maanta gelinkii danbe uu khilaaf weyni soo kala dhex gallay Golaha Wasiiradda ee Madaxweyne Rayaale oo qaarkood aanay weli ku qanacsanayn Go'aankii Guddidii dhex dhexaadka ahayd ee Golaha Guurtidu soo saareen Maanta.

Warkani ayaa sheegaya In Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiirka Maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil, Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Siciid Sulub, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale ayaa la sheegaya inay qaarkood ka dareereen shir ay la lahaayeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo wararku sheegayaan in Madaxweyne ku xigeenku uu kelmado aflagaado ah ku yidhi Madaxweyne Rayaale inyar ka hor intaanay Xukuumaddu aqbalin Go'aanka Golaha Guurtida.
Wasiirka Maaliyadda ayaa isagana laga haya Kelmado ay ka mid yahiin "Xiniinyaha ayaan iska soo saaraya haddii Mucaaridka loo yeelo waxay doonayaan"

wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in qaar ka tirsan Xubnahaasi wasiirada oo uu hormood u yahay Madaxweyne Ku xigeenku ay ka dudeen Shir ay golaha wasiiradu lahaayeen oo deg deg ah, halka Ismaciil Aadan Cismaan mar aan maanta la xidhiidhay uu ka gaabsaday inuu u hambalyeeeyo Go'aanka Guurtida.

Dhinaca kale Xubno wasiir ah oo ay ka mid yahiin Wasiirka Dibu Dejinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale (Darawal) ayaa waxaa la sheegay inay iyagu qayb weyn ka ciyaareen sidii go'aanka tanaasulka ah ay xisbiga UDUB u samayn lahaayeen.

Mohamed Abdi Hassan (Diridhaba)
Somaliland.org, Hargeisa.
Somaliland.org@gmail.com

No comments: