Monday, December 26, 2005

Mudane Wasiir...... Madaxweynuhu Wuu Kaaga Tallaabsaday


Waxan akhriyay warar ay qoreen websiteyada qaar oo ka hadlayay Jaamacadda Carabta oo diidday inay Somaliland siiso xubinnimo joogto ah, wararkaas oo uu beeniyay wasiirka warfaafintu, si ba'anna ugu eedeeyay shebekadaha wararka qoraa inay hubsiimo la'aan wixii ay doonaanba ku qoraan.Anigu oo ah nin reer Somaliland ah oo aad u daneeya arrimaha qarannimada Somaliland ayaan jeclaystay inaan bal si tabaruc ah isugu xilqaamo oo aan wax kasoo ogaado arrintan iyo sida wax uga jiraan.

Aniga oo ka faa'iidaystay khibrad aan u leeyahay Ururka Jaamacadda Carabta kuna leh asaxaab faro badan oo aannu waqtiyada qaarkood ka wada shaqayn jirnay Jaamacadda ayaan si toos ah ula xidhiidhay Xoghaynta guud e Jaamacadda Carabta, waxana aan waydiiyay sida arrinkaas oo ay qortay jariidadda la yidhaahdo Arabonline sida ay wax uga jiraan. Waxa markiiba la ii caddeeyay in arrinkaasi uu ka dambeeyay dalab rasmi ah oo uu usoo gudbiyay Madaxweyne Dahir Riyale kuna dalbaday in Somaliland loo ogolaado Xubinnimo buuxda oo Jaamacadda Carabta ah.Waxa jawaabtii la i siiyay la iigu tafaasiileeyay in arrinkaasi markii uu soo gaadhay Jaamacadda Carabta uu xoghayaha Guud u saaray guddi hawlahaas u xilsaaran oo isaga hoos timaadda xilligaasna ay madaxnimadeeda haysay dawladda Masar.

Guddidaas oo ka koobnayd sagaal dal waxa la ii sheegay inay saddex ka mid ah oo ay Falsdiin iyo Sudan ka mid yihiin ay ogolaadeen in Somaliland loo ogolaado xubinnimada ay doonayso, hase ahaatee lixdii kale oo ay ugu cadcaddaayeen Masar, Sucuudiga iyo Kuwait ay si toos ah ganafka ugu dhufteen, sidaasna ay sheekadii ku dhammaatay.Waxan haddaba la yaabsanahay, waa arrin wanaagsan inuu madaxweynaha dalku uu Somaliland ka iibiyo ururada caalamiga ah e adduunka, wax badanna waxay ka taraysaa soo dhoweynta ictiraafka iyo gooni isu taagga dalkeenna, haddaba waxan la yaabay waxa wasiirka warfaafintu u dhibsaday arrinkani markii uu soo ban baxay.

Tolow wasiirka maka dhabbaa oo isagu waxba ma ogayn, markii uu warkan beeninayayna cidna lama tashan?

Tolow ma wax la qarinayo ayaa sheekada ku jirtaoo wasiirka la yidhi intaanay sii furfurmin sheekadu oo la dabagelin afka oodda ka saar?

Tolow ma Madaxweynaha ayaa wasiirka uga tallaabsaday oo amarka siiyay si marka sheekadu usoo baxdo wasiirku beenaale u noqdo, madaxweynuhuna ku dafiro?
Waxaynu ognahay inaan siyaasadda la isu naxariisan oo anigu waxan isleeyahay madaxweynuhu si uu uga takhaluso wasiirkan oo ka mid ah kuwa xukuumadda UDUB ugu afka dheer ayuu booraan qafilan uga tallaabsaday.

Mudane wasiir, arrinkan ama adiga oo og dafir, ama adiga oon ogayn dafir, arrinkani wuu jiraa weliba haddaad muranka iyo is-indha tirka kusi adkaysataan, waxan soo sawiraynaa waraaqihii uu madaxweyne Riyaale qoray.Waxan kusoo gebagebaynayaa, Bal cilmiyada Ilaahay xukuumadda UDUB waxa xun e foolxumada leh e dalka iyo dadkaba ku xun ba kama xishoodaan, e akhristoow waxa arrinkan looga diday e wasiirka (afhayeenka wafdiga riyaale) ku kallifay inuu telefoon u diro website yada afka dawladda ku hadla.................sheeg haddaad garato.

Ali Bandi

Birmingham/UK

No comments: