Saturday, December 24, 2005

WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO SAFAR 24 SAAC QAATAY KU TAGAY JABUUTI

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Ismaaciil Aadan Cismaan, ayaa safar qaatay 24 saac ku tagay Jabuuti kana soo noqday Hargeysa....

Wasiir Ismaaciil Aadan Cismaan, oo dalka ka baxay gelinkii dambe ee maalintii khamiistii, waxa uu soo noqday gelinkii dambe ee maalintii Jimcihii, waxaanu safarkiisu ahaa mid kedis ah oo aan laga war qabin.

Wasiirku, ma sheegin ujeedada rasmiga ah ee socdaalkiisa 24ka saac qaatay , waxaanu safarkiisu ahaa mid gaara oo aanay cidi ku wehelin.
Sida laga warqabo waxa dhawaan safar Jabuuti ku tagay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kaas oo uu weheliyay Md. Khadar Aadan Xuseen(Ambassador). Safarkaas guddoomiyaha oo lagu sheegay mid shakhsi ah, ayaa waxa olole ku qaaday xukuumadda Somaliland, oo ku bilawday safarka guddoomiye Cirro dacaayad.

Source: Hargeysanews.net

No comments: