Wednesday, December 21, 2005

NIN AGOON KU XADAY QALIN

Dhaliilaha ugu waaweyn ee had iyo jeer xisbiga wadaniga ah ee KULMIYE u sooJeediyo Riyaale iyo xisbul xaakimka UDUB waxaa ka mid ah TAYO XUMO, TAMAR DARO iyo weliba kala daadsanaan, dhamaan wasiiradu waxay u dhaqmaan sidii ay dal shishiiye ka shaqaysanayaan , mid walibana wuxuu ku dadaalaa inta aan meesha lagaa qaadin waxaad qaadi karto qaad,waxaad arkaysaa nin wasiir ama agaasime ahaa oo 3bilood guricad ku dhistay ,iminkana waxaaba la marayaa in debeda hantida la dhigto ama guryo laga iibsado,

Qaylada dad muumini dhayal kuma qarsoontee,

Qadhaadh yimid macaankii qariyaa xasuustee,

Nin agoon ku xaday qalin qayr kama macaashee.

Hadaan u soo noqdo dulucda qoraalkayga, waxaa 2003 soo if baxay warar sheegaya in INAN uu ADEER u yahay wasiirka Dib u dejintu Cabdillaahi Darawal dacwadi kaga socoto maxkamad ku taal cariga igiriiska, laguna haysto lacag XAD DHAAF ah oo lagu shubay account kiisa iyada oo loo adeegsanayo xeerka la dagaalanka taakulaynta argagixisada ee loo fiirsanayo lacagaha aan la ogeyn meesha ay ka yimaadeen, lacagtan oo sida ay ii xaqiijiyeen niman ay inanka dacwadu ku socoto asxaab yihiin inay dhantahay 300,000 (saddex boqol oo kun) oo giniga istarliinka ah una dhiganta,ilaa 540,000 oo dollarka maraykanka ah, markii arinku soo baxay ayuu isku dayey in lacgtii laga sooro acounkii hase yeeshee waa la xanibay oo ilaa la soo cadeeyo halka au lacagtani ka timid iyo sifaha ay ku soo gashay UK in aan waxba laga saareynin xisaabtan, lacagtanta oo aslkeedii ahyd mid ay wasiirka dib u dejinta, wasiirka arimaha dibada iyo Madaxweynuhu heshiis kula soo galeen Dawladda Jabouti iyo hay,adda UNHCR kuna saabsanayd qoxoontigii laga soo celiyey jabouti, Xaqu inaanu qaran jabin quraankaa cadeeyee,Reer dhan qaybtii kii cunay ayey ku maqantay qaanee,Rag baan qoomamo iyo ciil ayaamo aan qadaynine,Wax ka sii daran Warkii daraatoole ku qornaa Haatuf ee raashinkii fidriga ahaa ee lagu sadaqadaystey danyarta reer Somaliland uu WASIIRKA MAALIYADU hawad ugu faasaxay iyada oo aan soo gaadhin dekedda, waxaanad moodaa in ay dhamaan ku heshiis yiiin in agoonta iyo dan yarta aan waxba loo reebin ,

Kan qorshaystey keligii qaraar uu rag leeyey,

Wakhti ay ku qaraxdaba qaaxo kama fogaatee,

Xoolo qaran dhan kii yidhi qalaylkaad ku madhisow,

Qalihii kugu maqnaaba kugu qoon dilaacoo ,

Qosolkii hablaha iyo maad mahadinin qaadkii.

Hadaba waxaa lagu sugayaa golaha wakiilada in ay xakameeyaam,wasiiradan XAARAAN KU NAAXA AH

Wariye Mohamed Abdi hassan (diridhaba)

Hargeysa – Somaliland

No comments: