Thursday, December 22, 2005

Wasiirka Warfaafinta Oo loo Carbinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda


Warar dhawaan ay soo qoreen shabakadaha Somaliland qaar ka mid ahi, ayaa waxay tibaaxayeen in Wasiiraddii Arrimaha Dibadda, Marwo: Edna Aden Dhakhtar ay u gudbisay istiqaalad Maddaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland ahna Ku Simaha Madaxweynaha Md: Axmed Yuusuf Yaasiin, sidoo kalana ay qoraal kaasi la mid ah u gudbisay Maddaxweyne Rayaale oo Safar ku jooga Qaaradda Yurub.

Arrimahaas oo ilaa labadii todobaad ee u danbeeyey soo shaac baxay ka dib markii Xukuumaddu ay daboolka ka qaaday cidda ku wehelinaysa Maddaxweynaha safarkiisa uu dibadda ugu baqoolayo oo ay ka muujisay niyad sami xumo sidda uu Madaxweynahu wefdiga ku wehelinaya safarka u soo qorsheeyey. Haddaba mar lala xidhiidhay Marwo Edna si wax looga ogaado warkan Shabakadu faafisay waxay kaga jawaabtay ‘inay tahay wax kama jiraan, kuna baraarujisay inay Shabakadaha Internetku ka fogaadaan wararka aan sal iyo baarka toona lahayn ee been abuurka ah’. Iyadoo sii wadatana ay tidhi ‘Shabakadaha Warakana Waa Noo Kala Dhamaatay’.

Sidda aynu ka warqabno, waxaa soo gaadhay wafdigii uu hoggaaminayey Maddaxweyne Riyaale Dalka Jarmalka, halkaasoo ay kulamo kala duwan la yeesheen Masuuliyeen Jarmal ah. Waxaa ah mid haddaba la taaban karo, kulankii uu Wasiirka Warfaafintu la yeeshay Masuuliyeen ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka oo uu horkacayey Md: Reiner Morell oo ah Madaxa Qaybta Bariga Africa, oo Wasiirka Warfaafintu uga xog waramayey xaaladda uu dalku marayo, isagoo ku tiiqtiiqsaday horumarka uu waddanku gaadhay ilaa iminkana aanay wax gacan qabad ah ka helin bulshadda caalamka. Talaabadan oo tilmaamaysa inuu Wasiirku la wareegay Arrimihii Wasaaradda Dibaddu ku shaqada lahayd, Maddaxweynahuna uu raali ka ga yahay inuu buuxiyo mansabkaa. Iyadoo wararka qaarna sheegayaan inuu Cawil dhuumaalaysi ugu jiro siddii uu dhegta Riyaale ugu ridan lahaa in isaga lagu fadhiisiyo kursigaas.

Haddaba marka aad eegto xulashadda wafdiga Maddaxweynaha ku wehliyey socdaalkiisa, waxaa ka muuqda in shaqaddii ay Wasaaradda Arrimaha Dibaadu lahayd uu la wareegay Wasiirka Warfaafintu. Arinkan oo u eeg inuu ka marag kacayo wararka ay soo xiganayaan Shabakadaha qaarkood, iyagoo biniininaya inay wararkay sheegeena ay runta baal ku hayso .

Haddal iyo dhamaadkiis, Marwo: Edna Adan waxay ka mid tahay Wasiiradda Maddaxweyne Riyaale kuwa ku kaliyeystay tayo wanaaga, ahna Wasiiradda fara ku tiriska ah een ku tagrifalin hantida danyarta, ahna mid aan u soo shaqo tegin waddanka ee ah mid u shaqaysa waddankeeda, aayahiisana had jeer ka talisa, ummaddeedana baal dahab ah kaga taala. Arrimahan ummadda wareerisay beryahana wixii ka jiraa iyagaa dibadda u soo bixi doona. Waxaanan jec-laanlahayn inay Marwo: Edni lafta timirta ka saarto, oo wixii jirana dibadda u soo saarto, ooy shakiga u goor goyso.

Ahmed Hassan Ahmed -Quick
Ottawa-Canada
waridaad@yahoo.com

No comments: