Friday, December 16, 2005

TACSI GEERADA XILDHI. MAXAMED GAAXNUUG JAAMAC (BOOSH CADDE)

INAA LILAAH WA INAA ILLAYHI RAAJACUUN.

Anigoo ku hadlaaya magaca jaaliyadda Somaliland ee Cardiff , waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelka iyo ubadka uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Maxamed Gaaxnuug Jaamac (Booshcadde) , oo ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo uu ku jiray inta uu dhisnaaba..

Maxamed muddo 14 sano ah ayuu ka mid ahaa Golaha Guurtida, taasoo ka dhigaysa ragga golaha tiirka un taagay, soona qabtay hawlaha tirada badan ee lagu xuso.

Waxaan Illaahay uga baryayaa dambi dhaaf iyo naxariis, iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla jannatul- fardoos.Aamiin.

Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa ehelkiisa kale, qaraabadiisa,xigtadiisa,asxaabtiisa meel kasta oy joogaanba, si gaar ahna Golaha Guurtida.iyo dhammaan Shacab weynaha Somaliland.Waxaan dhammaan leeyahay Samir iyo Iimaan.


Axmed Carwo
Guddoomiyaha
Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff,
Wales

No comments: