Thursday, January 19, 2006

CAAWA IYO CAWEYSKA GAARIYE

Waxaan ugu bushaaraynayaa dhammaan Soomaalida degan dalkan Wales, inuu marti inoo yahay abwaanka weyn ee Maxamed Xaashi Dhamac (GAARIYE). Abwaanka oo muddo bilo ah qaaradda Yurub ku wareegaayey isagoo ka haqab tiray Soomalida u heelan inay fursad u helaan kulanka abwaanka, murti gabay, tusaalayn falsafad u gaar ah, iyo bandhig dhaqan oo ka turjumaaya taariikhda Soomalida iyo hidaheeda.

HADDABA WAXA INOO BALAN AH SOO DHOWEYN IYO KA FAA'IDEYSI FURSADDAN DAHABKA AH. KA BUUXSO MURTIDA GAARIYE, DIB U NOOLEE DAREENKAAGA DALKA HOOYO, SOO KAXEE DHALINTA DALKAN KU KORTAY, OO TUS IN SHAKESPEAR SOOMALI LEEDAHAY

ABWAAN GAARIYE WAXA GALBINAAYA OO HAREERO JOOGA WARIYAHA, HALGAMAHA CAANKA AH EE MIJIR QAADI IYO QORAAGA IYO TAARIIKHYAHANKA MAXAMED IBRAHIM HUJAALE, WAXAA BARNAAMAJKA HAGAAYA GUDOMIYAHA JAALIYADDA AXMED XASAN CARWO, XAGA FARSAMADA IYO QABAN QAABADA WAA MAAMULAHA SOMALI ADVICE CENTRE IYO SACIID CAKULE .


G O O B T A WAA:

COUNTY HALL
ATLANTIC WHARF
CARDIFF BAY

W A Q T I G A

4:00 ILAA 7.00 GALABNIMO (PM)
SABTIDA 21 JAN. 2006.


KU DAABAC MASKAXDAADA, HAYS CANAANAN , CIDNA HA EERSAN, KA FAAIDEYSO FURSADDAN.JEEBKAAGU DHINMIMAAYO OO WAXAAS OO DHAMI WAA BILAASH....FREE....FREEEEEEEEE.

Qabanqaabada iyo bandhiga barnaamajka waxaa leh Somali Advice Centre, Cardiff.
faahfaahin kala xidhiidh;

Qabanqaabada iyo bandhiga barnaamajka waxaa leh Somali Advice Centre, Cardiff.

faahfaahin kala xidhiidh;

Gudoomiye: Ahmed Arwo Agaasime:Abdikarim Aden
TEl: 0777 367 53 97 TEL: 079 74120862

XIDHIIDHIYAHA JAALIYADA

Ismail Mirreh
TEL: 029 20 499916

No comments: