Friday, January 20, 2006

Jaaliyadda Somaliland ee Ottawa iyo Xafladdii Sannadka

Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan cariga Kanada caasimadeedda Ottawa ayaa habeenimaddii jimcaha ee bishuna ahayd January 13th, 2006, isugu yimi xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.

Waxaa dalka Kanada bishan ka bilaabmay loolankii doorashadda Golaha Wakiiladda ee Kanada, loolankan oo uu dhex marayo afarta Xisbi qaraneed ee uu ka kooban yahay dalku iyo labo xisbi oo aan rasmiyan ahayn Xisbi qarameed hase-ahaatee leh codad ugu filan inuu buuxuyo shuurdaha xisbiyeed ee u saamaxaya inay helaan xidhibaano u fadhiista Golaha Wakiiladda ee Kanada. Sidda xaqiiqadda ah, wakhtiyadda doorashooyinka musharaxiinta Xisbiyaddu waxay ku loolamaan siddii ay u hanan lahayeen guusha, iyagoo u kala baratama codadka jaaliyaddaha badan ee ku dhaqan dalka.

Waxaa xaqiiqa ah in jaaliyadda Somaliland tahay jaaliyadda ugu tiradda badan marka la eegu dadka loo yaqaano dadka tirada yar ee muuqda, amse ' Visible Minority', ee ku nool magaala maddaxa waddanka Kanada, tiradoodana lagu qiyaaso inay kor u dhaaftay 18,000 oo qof. Sababahaa awgoodna ay Xisbi qarameedadu farta aad ugu soo godaan, kuna dadaalaan inay hantaan codadkooda, iyagoo balan qaadyaddooduna badantahay.

Haddaba, iyaddoo laga ambaqaadaayo, baahida loo qabo codadka bulshadeena ayey lagama maarmaan noqotay in la agaasimo munaasibad lagula gorgortamo musharaxiinta siddii ay u fulin lahaayeen balanqaadyadooda ku foosha leh Jaaliyadda Somaliland, munaasibadaa oo lagu soo casuumay 5 musharax oo ka kala sharaxan labada Xisbi ee hogaanka wadanka ku loolama. Musharaxiintaa oo ka kala socday 4ta xaafadood ee bulshadda ka soo jeeda Somaliland ugu badan tahay.

Musharaxiintaas oo kala ahaa:

1-Richard Mahoney - Liberal Party

2-David McGuinty - Liberal Party

3-Mauril BĂ©langer - Liberal Party

4-Marc Godbout - Liberal Party

5-Paul Beniot – Conservative Party,

Xafladdaas oo musharaxiintu ka jeediyeen hadalo, iyagoo tilmaamaya wax qabadka ay la garab taagan yahiin bulshadda reer Somaliland ee ku dhaqan caasimadda iyo agagaarkeedda iyo siddii qadiyadda Somaliland loogu raadin lahaa ictriaaf buuxa iyagoo ka bilaabaaya halkan.

Fagaarahaa waxaa barnaamijku ku bilaabmay siddii caadada inoo ahayd, aayadu Quraan ah oo sheikh Ali Amjad oo ah nin Muslim ah oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Gayana uu na xasuusiyey, ka dibna waxaa la wareegay oo xodhiidhinayey barnaamijka Md: Rashid Luftanse. oo ku soo dhaweeyey barnaamijka Mudane Dr. Mohamoud Sh. Hassan Tani, oo ka hadlay heerarka ay jaaliyaddu soo martay, isagoo mudanayaashii musharaxiintahana uga xog waramayey, geedi socodkii siyaasadeed ee Somaliland soo martay iyo sidda ay u dhamays tireen haykalkii dimuqraadiyeed ee dawlad dadkeedu soo doorteen ay hiigsan lahayd, iyo siddii dawlada Kanadi ay ula daadahayn-layad iftiinkaa ugub ee ka curtay Geeska Africa ee ay Somaliland hormoodka ka tahay.

Waxaan halkaana ka sii qaatay, Md: Kaynadiid Cali Xassan iyo Md: Axmed Xaashi Dhimbiil, iyagoo faahfaahinaya hormurku gaadhay wadankii, una bayaaminayey xildhibaanada inay u garaacaan albaab kasta siddii Somaliland loogu heli lahaa aqoonsi taam ah.

Waxaan madashaa ka soo qayb galay boqolaal qof oo reer Somaliland ah iyo asxaabta Somaliland. Waxaa ah mid lagu farxo, mahadeedana leh sidda wanaagsan ee ay u soo abaabuleen madaxda Jaaliyadda Ottawa-Somaliand Community oo aan halkan lagu qiyaasi karayn.

Waxaa iyana mahad leh oo habeenkaa iyana kala qayb qaatay farxaddaa, Md: Hassan Jamac Bacad oo musharxiintii Toghdeer ee Udub ahaa, iyo Cabdilaahi Osman Geel-Jire oo ah masuul sare oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

Allaa Mahad Leh,

Ottawa Somaliland Community

Sawiraddii Xafladdana Hoos riix:
http://photos.yahoo.com/waridaad

Ahmed Quick

1 comment:

Anonymous said...

Great site you have here!