Sunday, January 15, 2006

MADAXWEYNE RAYAALE OO KU QAABILEY HUDHEELKA UU DEGGAN YAHAY GANACSATO JARMAL AH

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin ayaa ku qaabilay hudheelka uu degan yahay ee ku yaalla Magaalada Hannover ee Dalka Jarmalka Mr. Hans W. Meier-Ewert, (Executive Vice President, German African Business Association) Madaxweyne Xigeenka Ururka Ganacsiga Jarmalka iyo Africa iyo xubno sare oo ka socda Ganacsatada waaweyn ee dalka Jarmalka. Mr. Meier-Ewert iyo xubnaha la socday, waxay Madaxweynaha ugu yimaadeen booqasho sharaf ioy salaan, iyaga oo isla markaana ka wada hadlay sidii shirkadaha Jarmalku ugu samayn lahaayeen maalgashi Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay balan qaadeen in ay dhakhso u iman doonaan Magaalo Madaxda Dalka Jamhuuuriyadda Somaliland ee Hargeisa, si ay u gogol dhigaan, sidi ay u fulin lahaayeen Maalgelinta Dalka.

Waxa Madaxweyne Rayaale ugu ballan qaaday madaxda ururka Jarmalka iyo Africa in Jamhuuiryadda Somaliland ay soo dhawaynayso maalqabeenada Jarmalka iyo Shirkadahoodaba, siinaysana iskaashi buuxa oo waafaqsan shuruucda maalgashi ee dalka u yaalla.

Kullnakani waxa uu la xidhiidhay kullan horay u dhex maray Shirkaddoaha Jarmalka iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ku qabsoomay Xarunta Ururka Ganacsiga Jarmalka iyo Africa, ee ku taalla Magaalada Hamburg ee Dalka Jarmalka, bishan 10-keedii.
Kullankan Madaxweynuhu la yeeshay Madaxda Ururka Ganacsiga Jarmalka iyo Africa iyo Shirkadaha ka soo qayb galay, wuxuu ku soo gaba gaboobay is af garad buuxa iyada oo la filayo kullamo dheeraad ihina ay dhici doonaan intaan Madaxweynuhu ka soo ambabixin dalka Jarmalka.

Allaa Mahad Leh

Mudane, Cabdillahi Maxamed Ducaale

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ahnaAf-hayeenka Weftiga Madaxweynaha JSL

No comments: