Monday, January 16, 2006

SOLJA oo Ka Soo Saartay Warsaxaafadeed Cabudhinta Warbaahinta ee Maamul Goboleedka Puntland


HARGEISA, 15 January 2006- Somaliland Today- Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SOLJA ayaa waxa uu maanta ka soo saaray warsaxaafadeed cabudhinta uu ku hayo Maamul Goboleedka Puntland Xorriyadda Saxaafadda. Warsaxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay SomalilandToday wuxuu u qorraa sidatan:

Maamul-goboleedka Puntland waxa uu caado ka dhigtay cabudhinta warbaahinta aan u hogaansamin ficilada bahalnimada ah ee uu kula dhaqmo bulshada ku hoos nool dhulalka ay maamulaan,iyadoo ficilkii ugu danbeeyay uu maamulkaasi albaabada ugu laabay Idaacad ka hadasha gudaha magaalada Laascaanood,taasi oo ka faalootay Tallaal uu maamulkaasi ka boobay caruurtii lagaga tallaali lahaa cudurka halista ah ee Jadeecada, taasi oo caruurta lagu tallaali lahaa tiradooda lagu qiyaasay 45.000 oo caruur ah.Maamulkani waxa caado u ahayd in uu marka uu doono xabsiga u taxaabo suxufiyiinta,iyadoo la xasuusan yahay intii jeer ee ay albaabada u laabeen Idaacadaha iyo Wargeysyada ka soo baxa Magaalooyinka dalkaasi Somaliya ee Garoowe iyo Boosaaso iyo weliba inta suxufi ee ay xabsiga dhigeen,islamarkaasina kula kaceen cagajuglayn iyo jidh dil.

Sida a daraadeed waxa Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) uu ugu baaqayaa Maamulkaasi in ay si buuxda xorriyadooda ugu soo celiyaan Faysal Jaamac Cali oo ahaa maamulihii Radiyow Laascaanood iyo Jamaal Farjar oo ka mid ah weriyayaasha Idaacadaasi.

Sidoo kale waxa Ururka SOLJA uu ugu baaqayaa in ay xayiraada ka qaadaan Idaacadaasi.

Mustafe Cabdi Ciise “Shiine

Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee SOLJA

No comments: