Wednesday, March 01, 2006

CADDE MUUSE OO AFLAGAADEYEY BEESHA WARSANGELI IYO DHULBAHANTE

Warar lagu kalsoon yahay ayaa kasoo baxay Garoowe, Caasimada dowlad Goboleedka Puntland, wararkaasi waxay sheegayaan in maanta Buuq uu ka dheshay Magaaladaas kadib markii Madaxweyne Cade Muuse uu aflagaado cad uu ku aflagaadeeyey Beelaha Dega Sanaag iyo Sool, waliba uu hadalku uu yiri oo aanu si toos ah u qoreeno \"Warsangeli aqoon yahankiisa dibada jooga......

waxa uu u shaqeeya Somaliland, Patrol iyo macdan Ceelaayo iyo Laasqoray bay ka buuxaan, dadkiisa gudaha gobolada ku hadhayna CAWSKEY CUNAAN\", waa sida uu hadalka Cade u yiri e.

Hadalkaas Cade waxa uu kasoo yeeray marka wax laga waydiiyey Xaaladaha Gobolada Sool iyo Sanaag, kadib hadalkaa waxaa dhashay buuq aad u weyn oo gacmo la isula tegey oo la sigey Cade oo dad badani oo meesha joogey, kana mid ahaa wasiiradii uu soo magcawday, barlamaankii iyo odayaal dhaqmeedyo laga casumay goobta.

Hadalkan oo hubaal ah inuu cade kasoo yeeray ayaa noqoneysa mid dhib culus ka dhalisay beesha Warsangeli iyo Beesha Majeerteen oo ilaa iyo intii 1988 ee dagaaladii Waqooyi Galbeed ee soo gaadhay Magaalooyinka Ceerigaabo, Carmale, iyo Xingalool ka danbeesay aysan xiriirkoodu fiicneyn kadib markii lagu tuhmay in Beesha Majeerteen ay hub ka dejiyeen Magaalada Xeebta ah ee Maydh oo hubkaas Gacanta u geliyeen Urur kii SNM oo markaa hadhaagii faqashta ay ka xoraynaysey degaano ay ku sii hadheen.

Warar kale oo kasoo baxaaya Magaalada Qardho ayaa sheegaaya in wali magtii ninkii lagu dilay aga gaarka Baraagta Qol aan wali wax go\'aan ah laga gaarin, wararkuna waxay intaa ku darayaan in arinkaas ay beesh Cismaan Maxamuud ka caga jiideyso. Isla arimahan kacsan warar la xiriira ayaa waxay sheegayaan in Magaalada Dhahar ay kacsan tahay oo ciidamo badani halkaa isku urursadeen oo odayaal dhaqmeed ay hortaagan yihiin sidii ciidamadaa aan loo siideyn, kuwaas oo doonayaa inay dagaalo iyo mashaqooyin aan loo baahneyn ka dhaliya Galbeedka Gobolka Bari ama aga gaarka Magaalada Boosaaso, oo halkaas labo nin oo Beesha Warsangeli u dhashay lagu dilay maalintii shaleyto Wararka isu soo duub oo waxaad moodaa in xaalad cakiran ay ka dhalatay Gobolka Sanaag iyo Bari, taas oo maalmahan soo noq noqoneysay kadib markay dad u dhashay Beesha Cismaan Maxamuud ay dhuxul iyo geed jarid ka bilaabeen deegaano aysan u dhalan . Waxaana hubaal ah inuu arinkan kaciyey hadaladii kasoo yeeray Cade Muuse oo markii la dooranayey ku wareegaayey Degmooyinka Gobolka Sanaag, maantan isagoo masuul ah aflagaado Beel dhan u geystey.

Siday doonta xaalku ha noqdee, waxaa jira shirar is daba joog ah oo ka soconaya Magaalada Garoowe oo ay Wasiiro iyo xildhinaano u dhashay Beesha Warsangeli ay go\'aan kaga soo saarayaan arintaa Maanta dhacday, waxayna Berito hadii rabi idmo la balan san yihiin odayaasha beesha Majeerteen oo jawaab la siinayo, Waxayna u badan tahay in xildhibaanada Beesha Warsangeli ay ka baxaan Baarlamaanka Puntland, waa sida uu warku nagu soo gaarayo e oo halkaas ay ku dhamaato ka mid ahaanshihii beesha Warsangeli dowladii bah wadaagta ee Puntland. Isla caawo oo aanu la xiriirney Magaalada Badhan ayaa waxaa noola xaqiijiyey in dadweynuhu ay aad u kacsan yihiin iyagoo aan markaa la sheegin inuu gaarey aflagaadadii Cade Muuse kasoo yeedhey.

Dhinaca Macdantii oo isla Maanta Cade afka ku dhiftay ayaa waxaa Magaalada Boosaaso naga soo gaarey warar kasoo baxay ilo lagu kalsoon yahay oo sheegeya in Suldaan Cartan iyo ciidamo uu wato ay galeen aaga loo yaqaan Majahan oo ah xaruntii oo markii horeba uu ku sugnaa Suldaanku oo ah meesha la rabo in macdan laga baaro, Waxayna wararku ku darayaan intaas in warar aan la hubin la isla dhexmarayo oo sheegaya in Dowlada Puntland ay warqad u dirtey Maraakiibta Ilaalada Xeebaha Somalia ee Mareekanka, warqadaas oo la leeyahay in ay ku xusan tahay in Ciidama uu Suldaan Cartan uu wato ay yihiin argigixiso oo sidaa la rabo in Ciidamada Mareekanka lagu marin habaabiyo, Hadii ay wararkani dhaboobaana waxaa laga yaaba in dagaalo aan loo baahneyn ay ka bilowdaan Harti dhexdiis oo aad moodid in qarka loo saaran yahay.


Source Laasqoray.net

No comments: