Tuesday, February 28, 2006

WAR DEG DEG AH.


Madaxweyne Rayale Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Wasiirada Xukuumadiisa Ah Ku Dhowaaqi Doono 24ka Saacadood Ee Soo Socda Gudahood

Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 February, 2006
Hargeisa (Somaliland.Org) Iyadoo Maanta Oo Isniin ahayd si weyn loo quudaraynaayey shacabka reer Hargeysa-na si weyn ugu dhag taagayeen isbedelkii iyo isku shaandhayntii Madaxweynaha ee Xukuumadiisa ayaa la sheegaya in madaxweynahu dib ugu dhigay wakhti aan la cayimin.

warar talan taali ah oo suuqyada caasimadda Hargeysa si weyn iskaga soo daba dhacaya ayaa saadalin weyn waxay ka bixinayaan in Madaxweyne Rayaale uu 48 saacadood ee soo socda ku dhawaaqi doono isku shaandhayntii iyo isku bedeladii Xukuumadiisa, iyadoo saaka arroornimadii hore ilaa xilligii qadada ay dadweyne badani ku xeernaayeen goobaha fadhi ku dirirka iyo qaxwaha ee ku ag dhaw agagaarka Madaxtooyada Somaliland.

Shacabka ayaa si weyn waxay u saadalinayaan in isbedel ku iman doono Wasaaradda arrimaha gudaha oo Mudane Ismaaciil aadan Cismaan oo hadda safar ku jooga dalka emirateka carabta loo wareejin doono Wasaaradda Ganacsiga iyo wershadaha, halka wasaaradda arrimaha gudaha loo saadaalinaayey dhawr qof oo uu ka mid yahay Badhasaabka Gobolka Hargeysa Cabdilaahi Ciro, sidoo kale laba wasaaradood oo masuuliyiintooda la isku bedelayo oo labada masuulba dalka dibadiisa ku maqanyahiin ayaa kala ah wasaaradda warfaafinta iyo arrimaha dibadda, wararka ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha dibadda marwo Edna Aadan loo bedelaayo wasaaradda Caafimaadka iyo shaqada, halka la saadalinaayo in Cabdilaahi Maxamed Ducaale wasiirka warfaafintana loo bedelo wasaaradda arrimaha dibadda, iyadoo la filaayo in Cali Maxamed Waran cadde oo ah la tilayaha arrimaha bulshada ee Madaxweynahu uu ku soo laabto wasaaraddu hore u joogay ee warfaafinta.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.org , Hargeisa.

No comments: