Monday, February 20, 2006

INNAA LILAA WA INAA ILAYHI RAAJACUUN

Anigoo ku hadlaaya magacayga, magaca Jaaliyadda Somaliland ee Cardiff,kan reer Carwo, iyo magaca xaaskayga, waxaan taci u dirayaa dhammaan xaaska,ubadka, ehelka,qaraabada, iyo asxaabta uu ka baxay Alle ha u naxariistee Xaaji Nuur Hawse, oo shalay Axaddii lagu aasay Hargeysa.

Xaaji Nuur waxuu ahaa nin ku caan ahaa ganacsiga, aadna looga yaqiinay Somaliland, waxuu intii dambe ku noolaa Canada oo xaaskiisu joogo. Waxuu ahaa nin cibaado badan, oo Alle ka cabsi lagu yaqiinay. Waxuu dalka ku noqday isagoo xanuunsanaaya, si uu ayaamahiisa ugu dambeeya ku qaato dalkiisa hooyo, oo uu aad u jeclaa.Waa nin khaatumo wacan ku dhintay, isagoo geeridu qabsatay markuu salaada subax soo gutay.

WAXAAN ILLAAHAY UGA BARYAYAA INUU MARXUUMKA KU MANAYSTO NAXARIISTIISA JANO DAMBIGIISANA DHAAFO. XAASKIISA, UBADKIISA, EHELKIISA,QARAABADIISA, IYO ASXAABTIISANA WAXAAN LEEYAHAY SAMIR IYO IIMAAN.

INAA LILAA WA INAA ILAYHI RAAJACUUN.



Ahmed Arwo

Guddoomiye

Jaaliyadda Somaliland Cardiff

ahmed_arwo@yahoo.co.uk

No comments: