Monday, February 20, 2006

War Saxaafadeed: Shirweynahii KULMIYE-UK Iyo Go'aamadii Kasoo Baxay


Kulmiye UK — London, UK — 19 February, 2006
February 18th, markay taarikhdu ahayd maalintuna Sabti, waxa Galbeedka magaalada London lagu qabtay shirweynihii xisbiga KULMIYE ee UK, shirkaas oo si aad iyo aad ah loo soo abaabulay waxana iskugu yimid ergooyin ka kala socda xubnaha xisbiga KULMIYE ee dalkan UK. Guddoomiyaha Guud ee xisbiga Mudane Mudane Ahmed Mohamed Silaanyo, xubno ka tirsan Golaha Wakiilada ee Somaliland iyo taageeroyaal kale ayaa yaguna ma mid ah marti sharafta kasoo qayb gashay shirka.

Waxa shirka furay Guddoomiyaha guud ee xisbiga KULMIYE Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo aad u ammaaney kaalinta ay kaga jiraan guud ahaan qurbajoogta reer Somaliland dhismaha dalka, gaar ahaana kobcinta iyo waxtarka xisbiga KULMIYE. Guddoomiyuhu wuxuu aad uga waramey geedi socodkii dhismaha dumiqraadida ee uu soo maray dalku iyo kaalintii uu ka qaatay xisbiga KULMIYE. Mudane Silanyo wuxuu aad uga waramay dhacdooyinkii doorashooyinkii kala duwanaa ee uu dalku soo maray, wuxuuna tilmaaay guulaha uu gaadhay xisbiga KULMIYE gaar ahaana doorashadii Golaha Wakiilada. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu tilmaamay sida ay dawladu u adeegsatay hantidii dalka iyo guulaha ay gaadheen xisbiyada mucaaridku.

Ugu danbeyntii Guddoomiyuhu wuxuu ergooyinkii iyo taageerayashii isugu yimid shirweynahan ku guubaabiyey ka qayb qaadashada dhismaha dalka xaga siyaasadeed iyo xag horumarineedba, xoojinta iyo balaadhinta xisbiga si loo gaadhsiiyo dhamaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska.

Shirweynahan oo uu warbixin kooban ka bixiyey Gudoomiyihii hore xisbiga ee KULMIYE UK Mudane Maxamed Yoonis oo ka waramay waxqabkii xisbiga iyo kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu ka qaatay dhismaha xisbiga gaar ahaan taageersadda xagga dhaqaale iyo ka qayb galkii marxaladihii siyaasadeed ee uu xisbigu soo maray. Waxa kale oo aad iyo aad ugu mahad celiyey gudigii hore ee sida fiican ula shaqeeyey iyo dhamaan xubnaha xisbiga ee dalka Ingiriiska.
Waxa kale oo shirka ka hadalay oo warbixino ka soo jeediyay dhammaan guddoomiyaasha laamaha xisbiga Bristol, Brimingham, Sheffield, Cardiff, Manchester iyo Liverpool ee KULMIYE UK.
Waxa kale oo shirweynaha lagu soo bandhigay aqoon isweydaaraasi kala duwan oo ku saabsan:
1. Waa maxay guulaha uu gaadhay xisbiga KULMIYE ilaa hadda, waa maxayse caqabadaha hortaagani.

2. Sidee loo xoojin karaa tayada xisbiga KULMIYE UK.

3. Sidee xisbiga KULMIYE ku gaadhi karaa yoolka uu hiigsanaayo

Waxa kale oo shirweynahan lagu ansixiyey xeerka xisbiga KULMIYE UK.

Intaas ka bacdi waxa loo gudo galay oo isla shirkaasi lagu doortay guddi cusub oo KULMIYE UK oo ka kooban guddoomiye cusub iyo shan xubnood oo kale oo ah gudi Fulineed ee xisbiga KULMIYE UK. Guddida cusub ee halkaa lagu doortay waxay ahayen:

1. Maxamed Abdillahi Aar Guddoomiyaha Xisbiga UK
2. Maxamuud Raage Guddoomiye ku Xigeenka kowaad
3. Axmed Cabdi Yusuf Guddoomiye Ku Xigeen labaad
4. Cabdi Cabdillaahi Xasan Xoghaye
5. Aadan Madar (Aadan Dheere) Lacaghaye/Khasnaji
6. Axmed Faarax Cadare Xidhiidhiyaha xisbiga iyo abaabulka

Waxa doorashada ka bacdi kalmad kooban soo jeedijey guddoomiyaha cusub Mudane Maxamed Aar oo uga mahadnaq shirka doorashada gudiga cusub ee uu hormoodka u yahay. Mudane Maxamed wuxuu si gaar ah ugu mahad celiyey guddoomiyihii hore Mudane Maxamed Yoonis oo uu sheegay inuu hawl muhiim ah soo qabtay isaga iyo guddidii lasoo shaqaynaysay. Waxaannu sheegay inay sii wadi doonaan hawshii ay soo qabteen gudigii hore, ayna ka shaqeyn doonaan sidii tayada xisbiga ay u kobcin lahaayeen. Mudane Maxamed Aar waxa kale oo uu tilmaan ka bixiyey oo yidhi “ Guddoomiye waxa farxad ii ah in aan anigoo ah nin aad u da’yar oo ka tirsan jinaaxii askarta ee halgankii SNM oo aad madax ii ahayd, maantana in aad mar kale igu hoogminayso saaxadda siyaasadeed ee Somaliland”.

Ugu dambeyn waxa hadal dardaaran iyo hambalyo isgu jira shirweynaha ku soo afajaray Guddoomiyaha Guud ee Xisbiga Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isaga ooo si gaar ah u xusay guddidii hore iyo hawsha ay soo qabatay, guddidana cusubna Ilahay uga baryay inuu hawsha sugaysa u fudedeyo.

Go’aamo door ah ayaa gebogebadii shirweynaha kasoo baxay, kuwaas oo ahaa:

1. In la sii adkeeyo lana xoojiyo jirtaanka iyo gooni isku taaga Somaliland, iyada oo laga duulayo ilaalinta nabadgelyadda dalka.
2. In la diyaariyo barnaamij iyo qorshe sannadeed uu ku shaqeeyo xisbiga KULMIYEUK
3. In la kordhiyo tayada xisbiga KULMIYE UK lana gaadhsiiyo dhammaan bulshada reer Somaliland ee degan dalkan Ingiriiska
4. In la xoojiyo xidhiidhka xisbiga KULMIYE uu la leeyahay axsaabta siyaasiga ah dalkan UK iyo kuwa duwaliga ahba.
5. In xisbiga KULMIYE UK uu hormood ka noqdo xil gaar ahna iska saaro halganka loogu jiro raadinta aqoonsiga Somaliland.
6. In la xoojiyo xidhiidhka iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa xisbiga KULMIYE iyo xisbiga mucaarid ee (UCID).
7. In si fiican looga qayb galo soo dhaweynta waftiga uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee dhawaan kusoo aadan dalka Ingiriiska.Waxa uu shirkani ku dhamaaday guul iyo is afgarad.

Xoghaynta Shirweynihii KULMIYE UK

Cabdixakiim Sulub Maxamuud.

No comments: