Thursday, February 23, 2006

MAAYERKA HARGEYSA OO WARQAD UU FASAX KU CODSANAYO U QORTAY WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA

HARGEYSA (SOMALILAND TODAY)- Maayerka Hargeysa, Maxamad Xuseen Jiciir, ayaa la sheegay inuu warqad u qortay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Ismaaciil Aadan, warqaddaasi oo uu Maayerku kaga codsanayo Wasiirka in loo oggolaado fasax uu ugu baxo debedda oo ka bilaabmaya bish March 3da.

Warqaddaasi oo ay arkeen xubno ka tirsan Golah Deegaanka Hargeysa waxa la filayaa inay ujeedadeedu ahayd inuu Maayerku kaga baxsado maamus ka xayuubin lagu sameeyo waayo bisha March 4da ayaa xayiraadii fadhiyada aan caadiga ahayn (Extra-ordinary Meeting) ee uu Wasiirka Arrimaha Guduhu ku soo rogay Golayaasha Deegaanka soo gebogeboobaysaa. Fasax bixinta Maayerka oo ay ku shaqo leeyihiin Golaha Deegaanku ayaa waxa lala yaaban yahay sababta uu Maayerku ugu qortay warqad codsi ah Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ay tahay in isaga ogeysiin uun la siiyo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa awooddii sharci darrada ahayd ee uu ku mamnuucay fadhiyada aan caadiga ahayn ee Golayaasha Deegaanka laga xayuubiyay ka dib markii dhawaan uu hor yimi Guddiga Nabadgelyada iyo Arrimaha Gudaha ee uu horkacayo, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Courtesy of:

Somaliland Today News Desk

No comments: