Tuesday, February 07, 2006

Saadaasha Dadweynaha: Wasiiradda La Daadinaayo Iyo Kuwa Seefta La Hareer Marinaayo

Sida aynu la socono Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md: Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii uu ku sugnaa dalkaasi Jarmalka waxa uu balan qaaday in uu kala shaandheyn ku sameyn doono galihiisa wasiirada marka uu soo laabto, taasi oo haatan uu ku jiro maalmo uu kaga nasanayo socdaalkiisii debadda.

Hadaba waxaa maalmahani la isla dhex marayey saadaasha cida wasiirada la daadinaayo iyo kuwa bedelada lagu sameynayo hadii ay kasoo go, day madaxweynaha in wasiiradiisa uu tayeynayo hadii eebe idhaahdo.Saadaasha dadku isla dhex marayaan waxaa kala yihiin sidan:

1-Wasiirka Waxbarashada Xassan gadhweyne waxaa loo bedelayaa wasaarad kale,
2-Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris ( Xilka ayaa laga qaadayaa)
3-Wasiirka Maaliyada Cawil (Bedel wasaarad kale)
4-Wasiirka Beeraha Aadan Dhoola Yare (Xilka ayaa laga qaadayaa)
5-Wasiirka Warfaafinta Ducaale (waxaa loo bedelayaa arrimaha dibeda)
6-Wasiirka Arrimaha Gudaha Ismaaciil Yare (Xilka ayaa laga qaadayaa)
7-Wasiirka Cadaalada (Casoowe) (xilka ayaa laga qaadayaa)
8-Wasiirka Duulista Hawada Aw-nuur (xilka ayaa laga qaadayaa)
9-Wasiirka Caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax (xilka ayaa laga qaadayaa)
10-Wasiirka Hidaha iyo Dhaqanka iyo Suugaanta Cismaan Bile (Xilka ayaa laga qaadayaa)
11-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Nuux Sheekh (waa la bedelayaa)
12-Wasiirka Hawlaha Guud Siciid Sulub (xilka ayaa laga qaadayaa)
13-Wasiirka Dibudejinta C/laahi Dareewal (Xilka ayaa laga qaadayaa).

Kuwaasi ayaa ah kuwa ilaa iyo hadda la saadaalinaayo ee sida kor ku xusan loo sheegayo.

Mohamed Musa Inji

Hargeysa, Somaliland

No comments: