Monday, February 06, 2006

Duqa magaalada Hargeysa oo laga dalbaday inuu is casilo kaddib markii lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey shaqaaqadii shalay dhacday.


Golaha deegaanka magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa shaqaaqadii shalay ay ku dhinteen ilaa afar qofood ku eedeeyey inay ka dambeeyeen wasaarada arrimaha gudaha iyo duqa magaalada Hargeysa.

Golaha deegaanka magaalada Hargeysa ayaa kulan aan caadi aheyn oo degdeg ah oo maanta ay ka yeesheen dhacdadii shalay ka dhacday xaafada Tootal ee magaalada Hargeysa kaga hadleen waxyaabihii sababay.

Kulankaas oo uu guddoominayey guddoomiye ku xigeenka golaha deegaanka Maxamed C/laahi ayey sheegeen in wasaarada arrimaha gudaha iyo duqa magaalada ay gacan ku lahaayeen rabashadaas, waxa ayna sheegeen in duqa magaalada uu ahaa Ninka dhulka bixiyey islamarkaana wasaarada arrimaha gudaha iyo taliska booliska ay goobtaas keeneen ciidan ilaaliya in qasab lagu dhiso.

Golaha deegaanka ayaa go’aamiyey in duqa Hargeysa loo qora warqad codsi ah oo looga dalbanaya in xilka iska casilo hadduu is casil waayana xilka laga qaado.
Golaaha deegaanka ayaa laba arrimood kala doortay oo kala ah in golaha deegaanka dhamaantood is casilaan iyo in duqa magaalada is casilo waxaana ugu dambeyntii ay ku heshiiyeen in duqa ay haboon tahay inuu is casilo golaha deegaanka aanu qaadan dambi aanu laheyn.

Dhinaca kale, xaaladda xaafadii rabshadaha ka dhaceen ayaa degan inkasta oo jidka dheer oo taga xaafadaas uu gaadiidka ku yar yahay iyadoo halkaas la keenay ciidamada milatariga.
Wasiirka arrimaha gudaha ayaa saxaafadda gudaha ee Somaliland u sheegay inuu talada dacwadii shalay uu la wareegay galinkii dambe xilligaas oo uu sheegay inuu ahaa Ninka dajiyey.
Si walba ha ahaatee waxaa jira dareemo kala duwan iyo doodo arrintii shalay looga hadlaya.
Rabshahadaas ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in dad meela fog fog jooga oo xabada haleeshay laakiinse lama hubo. Sidoo kale dhaawaca ayaa isagana lagu soo warramaya inuu 30 qof kor u dhaafayo.

Maxamed Raambow “Hargeysa”

No comments: