Saturday, February 18, 2006

Xabaal-Wadareed Cusub Oo Laga Helay Waqooyiga Hargeysa


Hargeysa, February, 2006 (Haatuf) – Xabaalo wadareed cusub oo ay ku aasan yihiin dad shacab ah ayaa laga helay waqooyiga Hargeysa, meel u dhow Kaantaroolka Waqooyiga Hargeysa looga baxo, beer uu leeyahay nin magaciisa la yidhaahdo Saleebaan Aamin.Sida ay sheegeen dad xog-ogaal ahi dadkan waxa la laayey ka dib markii xoogagii ururka SNM laga saaray magaalada Hargeysa ee dhamaadkii bishii August ee 1988-kii.

Weriye ka tirsan Haatuf oo halkaasi booqday shalay galab ayaa soo arkay madaxdayada ilaa todoba qof oo halkaasi wadajir loogu aasay, iyaga oo isku xidh-xidhan, kuwaas oo lagu aasay dhaamka beerta Saleebaan Aamin meel dhinaca waqooyi bari kaga beegan ilaa 15 talaabo oo ah mooska beerta.

Sida ay Haatuf u sheegeen dad halkaasi deggani, waxa la ogaaday xabaalahan ka dib markii nin meesha marayey uu soo jiiday maro ka soo jeeday ciida dhexdeeda, ka dibna ay soo boodeen madaxyada dadka halkaasi lagu laayey.Ibraahim Cali Faarax oo ka mid ah dadka halkaasi deggan ayaa sheegay in dadkani ahaayeen dad magaalada ka baxayey xaafadaha waqooyiga Hargeysa, markii SNM laga saaray halkaasi, hase yeeshee ay halkaasi ka heleen ciidamadii dawladdu, halkaasina ay ku laayeen kuna aaseen.Caasha Cali oo iyadu ka mid ah dadka halkaasi deggan ayaa sheegtay inaanay garanayn goorta dadkan lagu aasay, waxayse sheegtay inay u malaynayso inay yihiin dadkii shacabka ahaa ee magaalada ka soo qaxay 1988-kii, kuwaas oo ay laayeen ciidamadii faqashtu markii SNM laga saaray magaalada, halkaasi lagu aasay.

Agagaarka halka laga helay xabaalo wadareedan cusub ayaa u muuqata meel ay dad badani ku aasan yihiin, balse ma jirto cid xog intaa dhaafsan ka haysaa.Qalfoofka dadka halkaasi ku aasan ayaa waxa la socda koodhadh ay xidhnaayeen, kuwaasi oo ay ka muuqato rasaas lagala dhacay caloosha iyo leetarada sigaarka laga shito.Maaha markii ugu horreysay ee xabaalo noocan oo kale ah laga helo magaalada Hargeysa, hase yeeshee 1997-kii ayey ahayd markii ay daadad waaweyn oo dooxa Hargeysa ka soo rogmaday soo saareen kumanaan lafo isku xidh-xidhan oo ah dad lagu xasuuqay agagaarka dugsiga Malka-Durduro ee magaalada Hargeysa.

Sidoo kale sannadkii 2005 bishii April ayey daadad kale dooxa magaalada Hargeysa meel ilaa konton talaabo xagga galbeed ka soo xigta biriishka Hargeysa ka soo saareen lafo noocan oo kale ah, balse ay lafahaasi daadadkii markaa dooxa marayey wada qaadeen

No comments: