Saturday, February 18, 2006

GOLAHA WAKIILADA OO MADAXWEYNE RAYAALE KA DALBAY IN UU SOO DHISO XUKUUMAD TIRO YAR OO TAYO LEH


Hargeysa(Jam)ilaa iyo labaataneeyo xubnood oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa salaasadii dorraad kulan hadal ahaa oo dhawr saacadood qaatay ku yeeshay xarunta madaxtooyada.

In kasta oo kulankaasi ahaa mid saxaafadda ka oodan, haddana sida ay sheegeen warar aanu ka soo xiganay ilo xog-ogaal ah, kulankaas waxa ka qayb galay 18 xildhibaan, oo ka soo kala jeeday mudaneyuaasha saddexda xisbi siyaasadeed ee golaha wakiilada iyo saddexda xubnood ee shirgudoonka golaha wakiilada.

Ilahaa xog-ogaalka ahi waxay sheegeen in guud ahaan kulankaasi ahaa mid ay labada dhinac kaga wada hadleen, sidii wda shaqaynta qaanuuniga ah ee labada gole loo adkayn lahaa, wax kastana wada tashi looga yeelan lahaa.

Warku wuxuu intaa ku daray in kulankaas ay ka hadleen badiba 18-kii xildhibaan, balse aanay hadal xubnaha shirguddonka golaha wakiiladu, oo ay u daayeen xildhibaanada kale. Kaas oo guud ahaanba halkaas ku waydiiyey madaxweynaha wixii su’aalo ahaa ee gole ahaan ay doonayeen in ay u bandhigaan iyo wixii soo jeedin iyo tallooyin ahaa. Siday wararkaasi tibaaxeen tallooyinkii ay xubnaha wakiiladu u qadimeen madaxweynaha, waxa ka mid ahaa ; in madaxweyne rayaale soo dhiso dowlad tayo leh oo kooban, oo uu dhaqaale ahaan dalku xamili karo, taas oo ay codsi ahaan ugu gudbiyeen.

Isla markaana uu madaxweynaha laftiisu hore u ballanqaaday, haddana hadal-haynteedu badan tahay.

Waxa kale oo ay xubnaha wakiiladu ka dalbeen madaxweynaha iyo xukuumadiisa, fulinta shuruuc badan ooh ore loo ansixiyay, balse aan lagu dhaqmin.

Sida ay tibaaxeen wararka aanu ka soo xiganay ilahaas, madaxweyne riyaale jawaabihii uu ka bixiyay waxyaabahaas ay xildhibaanadu ula tageen, waxa lagu macneeyay in ay ahaayeen qaar uu ku muujiyay in uu la qabo dareenkaa ay soo jeediyeen.

Madaxweynuhu ma sheegin go’aan oo uu ku dhaqaaqi doono dhismaha dowladda kooban ee uu hore u ballanqaaday, hase yeeshee, wxaay wararkaasi tibaaxeen in madaxweyne riyaale ay jawaabtiisu u dhadhamaysay in uu fulin doono ballanqaadkiisii hore.

Warku wuxuu intaas ku daray in xubnaha wakiilada iyo madaxweyne riyaale isla qaateen in golaha wakiiladu wixii shruuc ah eek u xidhan uu dhakhso u dhamays tiro, xukuumadduna ay sharciga sidiisa u fuliso, isla markaana ay labada dhinacba u wada shaqeeyaan si wanaagsan, oo waafaqsan sharciga. Sidoo kalena uu dhinac kastaaba ilaaliyo ku dhaqanka shruucda dalka.

Falalkii beryahan dambe xasilloonida wax u dhimay iyo guud ahaanba arrimaha ammaanka, ayaa iyana ka mid ahayd wxyaabihii ay xildhibaanadu kala hadleen madaxweynaha. Waxyna wararku tibaaxeen in waxyaabihii dhacay ay wakiiladu u caddeeyeen madaxweynaha in masuuliyadeeda lahayd xukuumadiisu, sababaha ugu waaweyn ee horseedayna, ay kow ka tahay fullin la’aanta iyo ku dhaqan la’aanta dhinaca shuruucda.

Kulankan ka hor, tiraba saddex jeer ooh ore ayuu shirguddonka wakiiladu la kulmay madaxweynaha, intii uu ka soo laabtay safarkiisii dibedda. Hase ahaatee, waxay u muuqataa in kulankii salaasadii uu bilow u yahay kulamo noocaas oo kale, ah, oo kalfadhi kastra ay koox mudaneyaal ah oo wakiilada ka tirsan ay isku arki doonaan madaxweynaha. Isla markaana waxay wararku tibaaxeen in habkani uu yahay mid gebi ahaanba lagu suulinayo didmadii hore ee muxaafidiintu ka qaadeen saami-la’aantooda shirgudoonka golaha wakiilada.

Jamhuuriya Online

No comments: