Monday, March 20, 2006

Aqoonyahanada Somaliland Sidee ayay u arkaan Qorshaha JNA-da

London (Jam)- Sida aynu la wada socono waxa in muddo ah la isku maandhaafsanaa qaabka ugu haboon ee Somaliland uga faa’iideysan karto barnaamijka Baanka Adduunka iyo Qaramada Midoobay ugu tallo galeen in ay qaadhaan loogu ururiyo Dhulkii la isku odhan jiray Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Soomaaliya ( Somaliland iyo Soomaaliya). Haddaba waxa u suurtagashay wariye Khadar Xasan Cali oo ka tirsan Jamhuuriya London inuu su’aallo la xidhiidha arrintaasi iyo qaabka ugu haboon ee ay Somaliland uga faa’iideysan karto wax ka weydiiyo qaar ka mid ah aqoonyahanada Somaliland ee ku sugan dalka iyo dibadiisaba.

Dr Maxamed C/llaahi Diiriye (Hargeysa ) ayaa isagoo ka jawaabaya su’aalahaasi waxa yidhi “ Waxa JNA kulankeeda Hargeysa lagu sheegi karaa mideyn tartiib iyo shanqadh-tirasho leh, iyo Soomaaliya oo liqaysa Somaliland, gaar ahaan xukuumadda Embaghati oo gacanta loo galinayo Somaliland. Midayntan iyo liqiddani waxay soo martay laba heer: heerka kowaad waxa uu ahaa urarada bulshada iyo NGO-yada Somaliland oo lala mideynayay kuwo Soomaaliya, waana lagu guuleystay oo waa kuwii loo qabtay shirar ay wadaagaan oo waliba Somaliland ka dhacay. Heerka labaad waxa loogu yeedhi karaa mideynta hay’adaha maamul sababto ah JNA waxay dabada ku hayso waa hay’adaha maalgalinta, kobcinta dhaqaalaha iyo qorsheynta oo lala mideeyo kuwa Soomaaliya, taasoo ugu dambeynta keenaysa in la mideeyo dhamaan hay’adaha dawladda oo ay ku jiraan isgaadhsiinta, waxbarashada iyo caafimaadka.”

Dr Diiriya waxa intaas ku daray in Somaliland uga faa’iidaysan karto iyadoo dalbata barnaamij gargaar dhaqaale ah wax tar u noqon kara dalka iyo dadkaba waxaanu dawladda ku canaantay in fahmin qaradka qarsoon ee ka danbeeya JNA.

Dr Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ah raga aqoonta dheer u leh arrimaha noocan oo kale ah oo aanu wax ka weydiinay arrintan, ayaa wuxuu hadalkiisa ku bilaabay sidan “JNA waxay ka dhalatay abuurkii TFG ka, waxayna ka mid tahay heshiiskii UN-ta iyo TFGdu kala saxeexdeen”. Dr Axmed waxa uu ku tilmaamay in JNA-du maamulkeeda iyo isku dubadridkeeda iyo hawlaheeduba in ay si wada jira u maamulayaan deeq bixiyayaasha iyo Dawladda Imbgathi (TFG).

Waxaanu intaas ku daray inuu soo dhawaynayo mashaariicda faa’iidada u leh dalka ee aanay wax kale ku hoos jirin, sababta oo ahna buu yidhi horeba kaalmo aan lasoo marin dariiqan waynu ku heli jirnay magacii hore ee Soomaaliya, iyadoon la soo marin Calimahdi iyo Caydiidtoona, balse waa maxay sababta keentay in la yidhii TNG-da (Dowlada C/llahi Yusuf) hoos yimaada miyaanay ahayn tii aynu ka madaxbanaanay; miyaa laga noqday madaxbanaanidii iyo Qodobka 1aad ee Dastuurkeena Qaran?. Axmed, oo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Waxa inoo furan in aynu toos ula xidhiidhno deeq bixiyayaasha oo ka dhaadhicino halkaynu marayno, nabadda, horumarka dhaqaale iyo dhismaha dawladnimo oo mawqif cad ka yeelano arrintan. Waxaana inoo furan in deeq bixiyayaasha la weydiisto in ay Somaliland si gooni ah loo soo casumo. Dr Ciise waxa uu ku soo koobay jawaabihiisa murtidii Abwaan Barkhad Cas ee ahayd “Macaawinadani maroor weeye, Maraykan muxuu inoo yahay, maalkiisan maxaan ka dhaafsaday”

Daahir Cabdi Jama oo ahaa ( Ex. Somaliland Forum Chairman,) ayaa isna waxa ku tilmaamay barnaamijka JNA inuu yahay mid hadii si cilmiyeysan oo isku kalsooni leh loo wajihi lahaa faa’iido u yeelan kari lahaa dadka iyo dalka, laakiin barnaamijkan JNA ee hadda socda uu yahay mid khatar weyn ku ah qaranimada Somaliland. Isaga oo hadalkiisii sii wata waxaa uu yidhi “ Faa’iidada uu yeelan karaa waa, iyadoo laga heli karo barnaamijyo iyo mashaaric badan oo dalka lagu hor mariyo. Hase yeeshee, iminka sidan loo dhigay ee carabka lagu adkeeyey goboladda ‘Waqooyi Galbeed’ taasoo Somaliland loola dhaqmay gobol ka mid ah goboladda kale ee Somaliya, waa mid dhibaateeda u keeni karta Somaliland. Sida looga faa’iideysan karaana waa inagoo adduunweynaha u bandhigna qaadiyada Somaliland iyo waliba baahida aynu u qabno mashaariicda horumarineed oo xataa haddii ay inna aqoonsan waayaan ay si gooni ah innoola dhaqmaan.

Waxa isna ka hadlay arrintaasi Dr Maxamed Cabdilaahi Omar oo Macalin ka ah Jaamacadda Brune ee magaaladan London waxaanu yidhi : “Barnaamijka JNAdu waa fikrad ka soo unkantay maamulka Cabdilaahi Yuusuf, himilada ay ka leeyihiina waa kor u qaadid awooda dawladiisa waxaana meel marintiisa iska kaashaday dawlada talyaaniga iyo hawlwadeeno ka tirsan hay’ado caalami ah, oo taageera maamulkaas .

Arrintaasi waxa diyaargarowgii iyo codsigeedii soo qadimay dawladda KMG, Iyadda oo Waliba ogaalanshaheedii saxeexeen ra’iisal-wasaare Geedi iyo ninka xukuumadiisa u qaabilsan Qaramadda Midoobay,Dabadeedna waxaa ka munaaqshooday golaha wasiirada oo u xilsaaray fulinta arrintan wasiirkooda qorshaynta. Waxa kaloo loo sameeyay guddi maamul sare iyo guddi taakulayn farsamo oo daadihisa barnaamijka min bilow ilaa dhammaad, Somaliland kamay qaybgalin meelihii arrintaasi lagaga hadlayay.

Arrinta imika ayaa la horkeenay golayaasha dalka , waxaana u yare muuqata fiirsasho la’aan. Dr Maxamed waxa kale oo yidhi “Waa markii ugu horaysay Somaliland lagu xidho mucaawinado la keenayo inay saxeexan mas’uuuliyiinta Somaliya.

Dhinaca kale, xagga sharciga marka la eego, waa arrin inoo keeni karta cawaaqib xumo, madaama saxeexani oo ka soo horjeedsanayo madaxbaanida Somaliland.

Geesta kale, haddii uu heshiiskani sida ku dhaqangalo, waxay arrintani horseedi kartaa in dawlada TFG iyo hay’adaha caalimiga ahiba ay u arkaan arrinka fursad hor leh oo sababi karta iskaashiyo midnimo, Waxayse arrintani kuu soo beegan tahay xilli Ururka Midawga Afrika uu ku hawlan yahay meel marinta qadiyada Somaliland, iyo sidii Soomaliland u heli lahayd mucaawino caalami ah.

Waxay aniga ila tahay sida ugu wanaagsan ee Soomaliland ay uga faa’iidaysan karto barnaamijkan JNA ay tahay iyadoo loo ogolaado inay xubin rasmi ah ka noqoto shirka la filayo inuu ka dhaco magaalada Rome, haddii ay arrintaasi diidan waxa ila haboon in aynu xasuusaano in dawlada Ingiriisku ay marar badan cadaysay in caawimada horumarinta ee dawladaha la siiyo ay u balan qaaday qaaday Soomaliland, fulinta hawshaasina ay baahan tahay dabagal iyo abaabul labada geesood ka yimaada.

Waxa kale oo aanu wax ka weydiinay arrintan Jamaal Madar (London) oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan Ingiriiska. Jamaal wuxuu hadalkiisa ku bilaabay in barnaamijka JNA-du uu asal ahaan yahay mid loogu tallogalay dowladda fadhiidka ah ee C/llaahi Yuusuf, taasi oo sida uu sheegay ay maarayntiisa la kaashadeen Bangiga Adduunka iyo UNDP, iyadoo aan Somaliland lagala tashan. Sababtana waxa uu Jamal ku macneeyay in Somaliland lagu tiriyay in ay tahay gobol Soomaaliya ka tirsan. Jamaal oo ka jawaabayay su’aal ah khasaaraha ka iman kara waxa uu yidhi “ Waxa ay noqonaysaa in barnaamijkan ama mashruucan JNA uu isu keen keeno ( Somaliland & Soomaaliya), dabeedna ay halkaa ka bilaabato furfur hoose oo Somaliland ah oo wajiga uu yeelan karo aan la garan karin has ahaatee khatartiisa la arko. Midda kale JNA waxa loo qaybiyay Lix gobol oo ay Somaliland ku jirto. Marka labaadna waxa gobol kasta horkacaya Guddoomiye (Governor). Markaa haddii aynnu aqbalo JNA, waxaynnu marka hore aqballay inay Somaliland noqoto gobol ka mid ah Somalia, marka labaadna waxaynnu Madaxweynihii dhammaa ee aynnu sida dimuqraadiga ku doorannay oo ku dambaynayaa in lagu tilmaamo Guddomiyaha Gobolka Waqooyi Galbeed”. Waxaanu ku tilmaamay mashruuca JNa-da mid aan ka duwanayn kii dowladii C/raxmaan Axmed Cali (Tuur) la gashay UNISOM wakhtigii Caydiid isla markaana mijaxaabin karta qaranimada Somaliland. Jamaal oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waxu faa’iido yeelan karaa iyadoo laga heli karo barnaamijyo iyo mashaaric badan oo dalka lagu hor mariyo. Hase yeeshee, iminka sidan loo dhigay ee carabka lagu adkeeyey goboladda ‘Waqooyi Galbeed’ taasoo Somaliland loola dhaqmay gobol ka mid ah goboladda kale ee Somaliya, waa mid khasaare u keeni kara Somaliland”.

Hoggaamiyayaasha labada Xisbi ee mucaaridka ah ayaa iyaguna, inkastoo markii hore ay taageereen barnaamijka JNA iminka aad moodaa in ay si aada ah uga biyo diiday, ka dib markii ay soo if baxday dokumantiyo ay ku saxeexan yihiin masuuliyiinta dowladda C//laahi Yuusuf, oo uu ka mid yahay wasiirkiisa qorsheynta. Waxa iyaguna jira dad reer Somaliland oo ah aad moodo in ay dan shakhsiyadeed ka leeyihiin JNA. Haddaba markaad eegto barnaamijyada Qaramada midoobay ay ka wado dhawaanahan Somaliland iyo Soomaaliya oo ay gundhig u tahay mideynta labada dal iyo waliba Qorshaha JNA-da ayaa leh shaki badan. Hase yeeshee haddii la waafajiyo barnaamijka JNA-da distoorka qaranimada Somaliland ama loo maro habkii hore wax wada qaybsiga kaalmada Caalamka, ee aynu ku heli jirnay qaybteena deeqaha loogu tallo galay dhulkii hore la isugu odhan jiray Jamhuuriyadii dimuqraadiga ee Soomaaliya , waxa hubaal ah in aynu ka faa’iideysan karno mashaariicda horumarineed ee ku hoos jirta JNA. Haddiise sida ay aqoonyahanada reer Somaliland u iftiimiyeen ay tahay dabin la soo maleegay iyo hab cusub oo Soomaali weyn dib la inoogu jujuubaya waxay waajib ku ah gollayaasha qaranka iyo xukuumadu in ay mowqif midaysan ka yeesheen oo ku wajahan barnaamijka. Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “ Waad Baahan tahay looma bahalo cuno”. Xukuumadda madaxweyne Rayaale madaxda ka yahayna waxa la gudboon in ay go’aan ka gaadho oo mad-madowga ku jira ka saarto barnaamijka JNA-da iyo waliba in siyaasad mideysan laga yeesho oo lagaga hortagayo ololaha qaramada midoobay wadaan, iyadoo lala kaashanayo aqoonyahanada iyo diblamaasiyiinta reer Somaliland ee daafaha dunida ku kala nool.

Source: Jamhuuriya Online

No comments: