Friday, March 03, 2006

CASUUMADA WAXAA LAGA SOO ANSIXIYAY QASRIGA BOQORTOOYADA


Guddoomiyaha Golaha Wakiilada JSL mudane Cabdiraxman Maxamed Cabdillahi (Cabdiraxman Cirro) ayaa shalay ka qaybgalay kulan lagu maamuusayey furitaanka aqal cusub oo Baarlamaanka Wales loo dhisay.

Shirkan oo casuumad rasmiya loo fidiyey labada shir-guddoon ee goleyaasha sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ahaa mid ay kasoo qaybgaleen shir-guddoonno in ka badan boqol baarlamaan oo caalamka daafihiisa kala duwan isaga kala yimid. Casuumadda shirkan ayaa laga ansixiyey qasriga boqoradda waxaana lagu casuumay wadammo u badan kuwa caalamka ku cusub ee dhawaan madaxbanaanida qaatay khaas ahaan kuwii Ruushka ka go’ay.

Cirro waxa uu sheegay inay meel wada fadhiyeen wufuud badan oo ka timida Australia iyo shir-guddoonada wadamada Malaysia, Kuuba oo xataa safiirkoodu joogay, Latvia, Lituania iyo kuwo kale. Waxa kale oo iyaguna shirkaa joogay oo Guddoomiye Cirro la kulmay oo isbarteen xidhiidh fiicanina u bilaabmay shir-guddoonka Scotland. Guddoomiyaha Baarlamaanka Wales Rt. Lord Elis Thomas iyo Guddoomiyaha G. Wakiilada Md. Cirro waxa dhexmaray heshiis wada-shaqayneed oo u dhexeeya labada baarlamaan ee Somaliland iyo Wales. Baarlamaanka Wales ayaa isagu da’yar sida ka Somaliland oo jiray ilaa sanadkii 1999. Intii shirka lagu jiray, waxa uu Mudane Cirro sheegay inay wada qadeeyeen Prince Charles iyo afadiisa Kamila, Wasiiro ka tirsan dawladda Ingiriiska, Raisal Wasaaraha Wales iyo madax kale. Guddoomiyaha waxa waraystay saxaafad isugu jira kuwo caalamiya iyo kuwo kale.

Janalka BBC-da ayaa waraysi la yeeshay iyo weriyeyaal ka tirsan gobolka Wales. Mid kamid ah weriyeyaasha ayaa Guddoomiye Cirro weydiiyey in dawladda Ingiriisku ictiraaftay Somaliland maadaama ay u fidisay casuumad rasmiya oo qasriga boqoradda laga ansixiyey taas oo uu guddoomiyuhu ugu jawaabay in dalka Somaliland xornimadiisa hore uga qaatay qasriga boqoradda imikana ay la socdaan in aan madaxbanaaninadayadii lasoo noqonay wadankan Wales-na isku maamul ahayn in ka badan 70 sano, guddoomiyaha waxaa uu tibaaxayinaanu inaanu arag wadammo afrikaanna oo lagu soo casuumay shirkan se laakiin uu arkay wadamada waaweyn ee Asia iyo Australia iyo wadamada yaryar ee caalamka dhawaan kusoo biiray. Guddoomiyuhu wuxuu n sheegay in ay labada baarlamaan ee JSL iyo Wales dhex maridoono wada-shaqayn fara badan oo noocyo badan ah.

Gudoomiyaha ayaa maalta jimcaha ee bari la hadli doona dadka reer Bristol waana kulankiisii labaad ee uu la yeeshay jaaliyadah reer somaliland ee UK gudoomiyaha wxay wada hadal yeelan doonaan marwo MP Kerry MCcerthy oo ah haweenay u dhaga nugul qadiyada somaliland una ololaysa ictiraafka somaliland.

Omar Aw Cabdi Dooli

qodaal@hotmail.com

No comments: