Thursday, March 02, 2006

Maxay mareegaha Somaliland uga aamustay guusha Jaamacada Burco u soo hoyatay.

Maxay mareegaha Somaliland uga aabustay guusha Jaamacada Burco u soo hoyatay.

Waxaa hayadda la yidhaahdo, Webometric Ranking of World Universities, sannadkan 2006, shaaciyeen kuna soo dhigiyeen boqolka jaamacadood ee qaaradda Afrika ugu horeeyey iyo kaalmaha ay kala heleen.

Sidda ay Webometric cadaysay jaamacaddaha ka jira Somaliland oo ah ilaa iminka saddex jaamacadood oo kala ah:

1-Amoud University.
2-Buroa University
3-Hargiesa University.

Ayaa jaamacadda Burco ka gashay boqolkii ugu horeeyey kaalinta 39-laad.
Halkan ka eeg sidday u kala horeeyaan jaamacaduhu:

http://www.webometrics.info/top100_continent.asp-cont=africa.htm

Haddaba waxaa ah arrin lagu farxo maadaama ay Somaliland tahay dawlad curdin ah oo hadda bisaylkii u dhow inay jaamacadahoodii ay iyagu gacamahoodda ku taageen iyagoon ka helin caawimo cid kale ay maanta dhaafeen jaamacaddo boqolaal sannadood jiray. Taasoo ku tusaysa inay Somaliland aanay horusocod mooyee aanay dib u laabmayn.

Haddaba, waxaa qormaddan igu kalifay, ka dib markii aan arkay warkan farxadda leh ee u soo hoyday reer Soomaliland oo dhan beel ay joogaanba, una tahay waxay ku faanaan, in haddana ay mareegooyinka Soomaaliland in yar mooyee ay ka gaabsadeen oo aanay soo shaacin. Arinkaa oo igu noqday mid la yaab ah.

Haddaba, waxaan ku baraarujinayaa walaalahayga hor taagan mareegooyinka ku bahoobay Somalilandnimadu inay soo bandhigaan wixii kasta ee qurux ah ee u soo hoynaya dalkeena sumcad wanaag. Yaanay inaga noqon maxaa iiga gidhiish ah magaaladdaa iyo taa, ee waa inaynu ka wadda shaqaynaa danta guud ee ina walaalaysiisay.

Ahmed Quick
Ottawa-Canada

No comments: