Tuesday, March 14, 2006

Golaha Wakiilada OO Su’aalo Ka Weydiiyay Miisaaniyada Xukuumada Ee Sanadka 2006-da Wasiirka Maaliyada


“Madaxtooyadu Ixtiraam Bay Inaga Mudan Tahay, Miisaaniyadana Wax Badan Baanu Ka Jarnay, Waxayna Inaga Mudan Tahay In Looga Kordhiyo Intaa Waayo Golihii U Horeeyay Ee La Soo Doorty oo Jiray 3-Bilood Baa Diiday Miisaaniyadii Waa Wax Lagu Baaba’ay”…Sidaa Waxa Yidhi Wasiirka Maaliyada Cawil Cali Ducaale.


Hargeysa, 13 March 2006 (Somaliland Today)- Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa ka weydiiyay fadhigii maanta odoraska miisaaniyada xukuumada ee sanadka 2006-da wasiirka maaliyada, Cawil Cali Ducaale.Fadhigan oo uu gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale ahna ku simaha gudoomiyaha golaha waxay mudanayaasha golaha wakiiladu su’aalo ka weydiiyeen ku saabsan inuu tafaasiil ka bixiyo odoraska miisaaniyada xukuumada ee sanadka 2006-da wasiirka maaliyadu Cawil Cali Ducaale oo wakhtigan hortaala golaha wakiilada, kuwaas oo aanu jawaabo waafiya ka bixin intooda badan wasiirku.

Mar la weydiiyay lacagta faraha badan ee ku baxda madaxtooyada oo ay ku tilmaameen inay ka badan tahay 20-wasaaradood, gaar ahaan xafiiska M/weynaha inay ka badan atahay 6-wasaaradood oo kuwa arrimaha bulshada ah sida caafimaadka, xoolaha, beeraha, kalluumaysiga, horumarinta reer miyiga iyo Arrimaha qoyska, lacagtaas oo gaadhaysa 2-Bilyan Somaliland Shilin ah, taasoo ay ku tilaameen inuu M/weynuhu yahay ka ugu mushaharka badan M/weynayaasha adduunka ee dalkiisuna ugu saboolsan yahay dalalka adduunka in kharashkaasi waxa uu ku baxo la caddeeyo lana kala saarsaaro,wuxuuna wasiirku ku jawaabay “Dal walba madaxtooyadooda ixtiraam bay ka mudan tahay,miisaaniyada madaxtooyadeena wax badan baanu ka soo jarnay waxayna inaga mudan tahay inaynu uga sii kordhino intaa waayo waa halka isku keen haysa haddii aad taa garan waydaana wax meesha oolayaa ma jiraan, hadduu wakhtigu inoo saamaxona waynu uga sii kordhin doonaa intaa iminka” ayuu ku jawaabay wasiirku.

Waxa kale oo wasiirka la weydiiyay heshiiska xukuumadu la gashay dhawr sano ka hor shirkada Total iyo lacagta shirkadu gelisay haamaha iyo dhuunta qaada shiidaalka in wakhtiga shirkada Total ay hayso lacag gaadhayso 15-Miyan oo Dollar marka laga jaro dhaqaalihii ay dib u haybaynta ku samaysay haamaha iyo dhuunta shiidaalka waxa uu kala socdo iyo sharciyadda lacagta 7-da Dollar ah ee Total qaado oo aan golaha sharci dejinta soo marin taasoo ahayd markii hore 2-Dollar halka wasaaradu ka keenta, wasiirka ugama jawaabin sidii laga doonayey sababtoo ah isagoo ka jawaabaya wuxuu yidhi “Shirkadda TOTAL heshiis baa lala galay waxaanaanu u sheegnay guddiga dhaqaalaha in aanu xisaabtan la gelayno shirkadda TOTAL, madaxdii shirkadaa TOTAL-na dhawaan bay imaan doonaan dalka oo aanu la xisaabtami doonaa, Lacagtaana lama socono”ayuu yidhi wasiirku.

Waxa iyana wasiirka la weydiiyay siyaasada ay xukuumadu ka leedahay miisaaniyada 2006-da, maadaama oo aanay ku cadayn miisaaniyada wax qabadka dhinacyada Nabad Gelyada, Maamul Faafinta, Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Baadi Doonka Aqoonsiga Somaliland waxa wasiirku ku jawaabay “Siyaasadda dawladeenu ku shaqaysaa ee miisaaniyada waxa weeye in wax loogu qabto dalka, waxaadna ku arkaysaa miisaaniyada sanadkan iyo kii ka horeeyeyba in aanu galinay horumarka haba yaraatee, taasoo hab dhaqan u ah wasiir walba oo soo mara wasaaradan, waxaaanuna ku dadaalney in mushaharka oo aanu askarigu heli jirin 3-bilood inuu maanta helo”.

Mar la waydiiyay wasiirka sababta ay golaha u horkeeni waayeen xisaab xidhkii sanadihii 2002, 2003, 2004, iyo 2005-ta sida ku cad dastuurka oo ahayd in miisaaniyad sanadeed walba la soo raaciyo xisaab xidhkii miisaaniyadii ka horeysay, Sidaa awgeed sababta ay maaliyadu u haysato xisaab xidhka dhawr sanadood, tacriifado iyo hay’ado aanu ansixin golaha sharci dajintu sida ay sharciyadoodu u jiraan wuxuuna ku jawaabay wasiirku “Haddaanu nahay wasaarada maaliyada xisaab xidhka toos uma keeno golaha wakiilada, sida dastuurku qabo anagu waxaan u gudbinaa xisaab xidhka hanti dhawrka guud, saddexdaa sano waxay yaaleen xisaab xidhku hanti dhawrka guud, hay’adaha intii la sameeyay ee aan wali la ansixin waanu keenaynaa sharciyeyntooda” ayuu ku jawaabay wasiirku in kastoo aanu ka jawaabin tacriifado la sheegay in wasaarada maaliyadu ku shaqayso oo sharciyadooda aan la keenin golaha sharci dejinta.

Wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale oo mudanayaasha goluhu waydiiyeen su’aalo doora inta badan kama uusan jawaabin sababtoo ah mudanayaasha oo xubin walba loo ogolaa inuu mar wada waydiiyo saddex su’aalood wuxuu wasiirku inta badan ka jawaabayay su’aasha uu door bido, isla mar ahaantaana aaraar iyo mahad naq uu ku beer laxawsanayo golaha ayay u badnaayeen hadaladiisu, taasoo qaar ka mid ah mudanayaashu mararka qaar ay weedho iyo hadalo ku xasuusinayaan amaba ugu sheegayaan shir gudoonka inaan looga wada jawaabin su’aalahoodii. Waxaana ugu dambayn su’aalihii la waydiiyay ka mid ahaa hadiiba ay dhacdo in goluhu ku celiyo ansixinta miisaaniyada oo la ansixin waayo waxa uga sii qorsheysan wasaarad ahaan iyo halka ay marto lacagta adag ee laga qaado sharaa’iga heshiisyada lala galo iyo sidoo kale lacagaha adag ee ay qabtaan canshuuraha bariga iyo ha’yadaha dawlada qaar halka ay ku dhacaan wuxuu ku jawaabay wasiirku “Ilaahay kama dhigo inaad diidaan miisaaniyada, gole loo han weyn yahay baad tihiin Itoobiya iyo wadamo kale oo Africa ah baa lagu yidhaahdaa ku dayda Somaliland, golihii ugu horeeyey ee la soo doorto oo saddex bilood jiray baa diiday miisaaniyadii waa lagu baaba’ay, canshuuraha bariga waa meesha aanu iminka hawsheeda galayno agaasime cusubna waanu u magacawnay bilaha soo socdana waxaanu ka dhigi doonaa meel u shaqaysa ummadda” ayuu yidhi wasiirku inkasta oo aanu ka jawaabin halka ay ku dhacdo ama ku xerooto lacagaha adag ee laga qaado heshiisyada sharaa’iga ajaanibka ah lala galo, waxaanu wasiirku golaha u sheegay inuu u balan qaadayo iskaashi iyo wada shaqeyn inay la yeelanayso wasaaradiisu golaha wakiilada iyo gudigiisa dhaqaalahaba.

Dhinaca kale golaha wakiilada ayaa galabta saacadu markay ahayd afartii galabnimo gudo galay dooda miisaaniayada xukuumada ee sanadka 2006-da taasoo socotay ila lixdii maqribnimo saacadu markay ahayd, waxaana doodani sii socon doontaa ilaa fadhiyada soo socda, iyagoo ku eegi doona isla markaana ku tafniidi doona goldaloolooyinka iyo dhaliilaha miisaaniyada dawlada ee sanadka 2006-da waxaana mar kale doodan la isugu imaan doonaa fadhiga maalinta beri ah, iyadoo uu gudoominayay fadhiyadii maanta ku simaha gudoomiyaha golaha wakiilada Mudane C/casiis Maxamed Samaale ahna gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: