Monday, March 13, 2006

Golaha Wakiilada Oo Dalbaday Inuu Hor Yimaado Golaha Wasiirka Maaliyadu


Hargeysa, March 12, 2006 (Somaliland Today)- Golaha wakiilada ayaa dalbaday inuu horyimaado madasha golaha wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale si su’aalo looga weydiiyo odoroska miisaaniyada xukuumada ee sanadka 2006-da oo hortaala golaha wakiilada.Dalabkan goluhu ugu yeedhayo wasiirka wuxuu ka dambeeyey su’aalo ka dhashay fadhigii maanta oo mudanayaashu su’aalo ku waydiinayeen gudiga dhaqaalaha,taasoo gudoomiyaha gudiga dhaqaaluhu Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaashi soo jeediyay in loo yeedho wasiirka maaliyada Cawil Cali Ducaale si uu u iftiimiyo su’aasha mudanayaashu waydiiyeen gudiga dhaqaalaha ee u baahan xogta dheeraadka ah, sida miisaaniyada xad dhaafka ah ee ku baxda madaxtooyada iyo sifaha loo isticmaalo kharashkaasi.

Waxa kale oo wasiirka maaliyada loogu baahday su’aalo badan oo mudanayaasha goluhu weydiiyeen gudiga dhaqaalaha kuwaasoo macluumaad iyo sharaxaad badan goluhu uga baahday wasiirka maaliyada cawil cali du’caale, waxayna shir gudoonka goluhu u diray maanta wasiirka qoraal ay ku dalbanayaan inuu hor yimaado golaha, waxaana wasiirka maaliyada cawil cali du’caale la filayaa inuu hor yimaado fadhiga golaha ee berito mudanayaasha golaha wakiilada, kuwaasoo wax ka weydiin doona arimo badan ku tacaluqa miisaaniyada 2006-da ee golaha hortaala.

Dhinaca kale gudiga dhaqaaalaha golaha wakiilada ayaa fadhigii manta mudanayaashu ku waydiiyeen su’aalo ku saabsan daraasada miisaaniyada 2006-da oo gudigu shalay horkeenay golaha.

Gudiga dhaqaalaha oo muujiyay galdaloolooyin badan oo ka muuqda miisaaniyada xukuumada ee sanadka 2006-da waxaa su’aalihii la waydiiyay ka mid ahaa sababta ay usoo qadimeen in la ansixiyo maadaama mad madaw badani ku jiro miisaaniyada, waxay sheegeen in wasaarada maaliyadu dib ugala dhacday wakhtigii ay ahayd inay horkeenaan golaha, islamarkaana xisaab xidh la’aan iyo habka miisaaniyada oo aan hufnayn awgeed ay gudiga ku adkaatay in ay si rasmi ah u soo qabyo tiraan guud ahaan miisaaniyada.

Gudiga waxa kale oo ay sheegeen in wasaarada maaliyada ay isla afgarteen in miisaaniyadan sideeda loo sii daayo, hase yeeshee miisaaniyada sanadka soo socda 2007-da la gudo galo hawsheeda bisha juun ee sanadkan si looga gaashaanto dib u dhac ku yimaada, iyadoo ay ka wada shaqaynayaan gudiga dhaqaalaha iyo wasaarada maaliyadu.

Miisaaniyada xukuumada ee 2006-da waxay wasaarada maaliyadu usoo gudbisay golaha wakiilada horaantii bishii labaad ee sanadkan, waxaana mudo afartan maalmood ah daraasad ku soo samaynayay gudiga dhaqaalaha ee golaha, kuwaa soo fadhigii shalay ee golaha ku soo celiyay war bixintii daraasadooda si goluhu u guda galo dooda miisaaniyada xukuumada ee sanadkan 2006-da.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: