Friday, March 17, 2006

Hanti-dhawraha Guud Ee Qaranka Oo Ka Baaqsaday Inuu Horyimaado Madasha Golaha Wakiilada

Hargeysa, Marcch 16, 2006 (Somaliland Today)- Hantidhawraha guud ee qaranka, Axmed Xassan ayaa ka baaqsaday in uu ka soo qaybgalo fadhigii maanta ee golaha wakiilada, oo laga sugayay si uu uga jawaabo su’aalo mudanayaashu doonayeen in ay ka weydiiyaan xisaabxidhka miisaaniyadihii sanadihii la soo dhaafay ee xukuumada.

Dalabka mudanayaashu ku doonayaan in hanti-dhowrahu horyimaado golaha, waxay ka danbaysay ka dib markii, uu keeni waayay xisaabxidhkii miisaaniyada ee sanadkii 2004 oo uu hore ugu balanqaaday in uu horkeeni doono wakiilada 12kii bishan; islamarkaana wasiirka maaliyadu golaha ka sheegay in wasaaradiisu u gudbisay hanti-dhowrka xisaabxidhka miisaaniyadaasi, taasoo sharcigu siinayo in hantidhowrku golaha horgeeyo si ay mudanayaasha ugu suuragasho go’aan ka gaadhisteedu.

Baaqashada fadhigii maanta uu kaga maqnaaday hanti-dhowraha guud ayaa waxa aad uga biyo diiday mudanayaal badan, kuwaasoo wali dalbanaya in uu horyimaado masuulkaasi golaha.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Xukuumada, wasaarada maaliyada iyo hantidhowrku ay isla garteen in hantidhowraha guud ka warwareego in uu hortago golaha.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: