Thursday, March 16, 2006

Waa kuma Wasiirku Wasaarada Caafimaadku Cismaan Qaasim Qodax Mase ka Badbaadayaa isku Shaandhaynta


Waxaynu ku jirnay maalmahan qoraalo lagaga faalloonayo wasiirada Somaliand kuwooda soo noqon doona ama kuwa liiska iska waayi doona. Todobaadkan waxaynu tusaale u soo qaadanaynaa wasiirka da’da yare e dhalinyarada ah, waa wasiirka wasaarada caafimaadka mudane Cismaan Qaasim Qodax. Su,aalaha layska waydiiyo wiilkaas dhalinyarada ah ee xilka ummada u haya iyo hanaanka ama qaabka uu ku yimi jagada ayaa ah kuwo faracyo badan yeesha, laakiin ku wada aroora illo isku dhaw. Waa Kuma Cismaan ?

Cismaan wuxuu ku barbaaray gobolka Togdheer caasimadiisa Burco, halkaas ayuu ardaynimadiisii ku soo qaatay waxbarashadiisa iskuulada. Cismaan waxbarashadiisa jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay dalka Hindiya sanadihii sideetanaadkii.

Aabihii wuxuu ahaa oday laga qadariyo degaankiisa, maalqabeen ganacsade ah iyo oday la xishmooyo. Xaaji Qaasim Qodax wuxuu u huray naftiisa ummada Somaliland isaga oo dareenkiisa iyo mawqifkiisa ku wajahnaa xukuumada Siyaad Bare aan la gaban jirin, wuxuu ka mid ahaa odayaaashii afartanka ee ahaa aqoonyahanka, tijaarta iyo waxgaradka lahaa ee laga soo shaqeeyey dilkooda dawladii Siyaad Bare laguna toogtay Burco. Waxaa cad in ciddii loo nisbaynayey ay dareen badan ka muujiyeen dadweynaha Somaliland ee u dhuun daloola taariikhdii soo jireenka ah ee ummadeena , aadna looga faalloodo suuqyada Somaliland dad badan oo xukuumada masuuliyiin ka ahna xilligaas ay ahaayeen kuwii hawlahaa u faraha dhuubnaa.

Wuxuu degaan ahaan beeshiisu ka soo jeeda degaanada Sool, gaar ahaan degamada Caynaba, waxay kaloo degaan u yihiin Togdheer. Adeerkii oo ay Walaalo yihiin aabihii oo ah Suldaan Cabdirahmaan Qodax ayaa ka mid ah salaadiinta Beesha uu ka soo jeedo, waana suldaan haybad iyo qadarin leh, xushmad badana looga hayo degaankiisa iyo beeshiisa.

Haddii aynu dib u jaleecno doorkii siyaadaeed iyo kaalinta Wasiirka Caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax, sidii aynu hore u sheegnay maaha mid mug balaadhan ama taariikh soo jireena oo qoto dheer leh, sida aynu kor ku xusnay waa will dhalinyar sidaas awgeed kolay taariikh dheer oo siyaasadeed malaha, wuxuuse ka mid ahaa ururkii ku hadhay doorashooyinkii degaanada ee ASAD oo uu hormuud u ahaa guddoomiyaha gollaha guurtidu mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ( Salebaan Gaal). Ururkaas oo markii laga guulaystay u kala jabay xisbiyada Kulmiye iyo UDUB oo uu ahaa intii Saleebaan la gashay dhinaca Udub, sidoo kale maadaama saleebaan ahaa oday ay soo raaceen dhalinyaro iyo rag la soo shaqeeyey wuxuu saldhig uga dhigay ku biiriistii xisbiga Udub in ragga jagooyin loo siiyo, halkaas oo sida ragga ay ka midka yihiin, Fu,aad Aadan Cade, Boos Aadan, Csimaan Qaasim iyo kuwo kale oo badan oo la mid ahaa lagu soo daray gollaha wasiirada. Doorashooyinkii ina soo maray waxaa la yiraahdaa Cismaan qaasim si balaadhan ayuu u shaqeeyey, wuxuuna soo saaray rag xisbiga Udub ah oo xildhibaano ah, mdii ka horaysay ee madaxtooyadana waa hawlgalay. Dhinaca shaqada Csimaan waa nin shaqo badan oo is dhibriya ama mutawaadac ah oo aan kibir lahayn oo ciddii raadisaa soo helayso xilliga ay u baahdaan. Waa nin isku kalsoon oo aan naftiisa hoos u dhigin cuqdadna ka qabin naftiisa, Csimaan ma jecla cida naftooda ku duusha ee dulinimada qaadata, waxaadse ka dhandhansanaysaa hadlkiisa mararka qaarkood dhalinyaronimo badan. Waase loo hanweynahay dacadalada kala duwan ee siyaasada oo dhan marka aad la xidhiidho. Dhinaca shaqada sida aynu la socono maaha Cismanaan dhaqtar oo waynu ognahay, laakiin waxa uu caqligiisa iyo cilmigiisa iyo cuqdad la’aantiisa ku gartay inuu dadka takhasuska u leh caafimaadka wax ka weydiiyo talladoodana ku socdo. Waasaradiisa wuu hagaajiyay intii uu joogay, dad cannaantaase way jiraan ee malaa waa dhengedda ku dhufo ha ka sii badiyee ujeedadoodu.

Dhinaca Xidhiidhkiisa ka dhexeeya madaxweynuhu waa shaqo iyo adeeg ummadeed oo midba dhinaciisa ka gudanayo xilka loo igmaday, xidhiidh gaar ah iyo saaxiibtinimo gaar ahi kama dhaxayso laakiin iskuma xuma, waayo wuxuu ahaa aragti ahaan raggii ka soo horjeeday maamulkii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waqtiyadii ay ugu adkayd mucaaradada, markii uu geeriyoday Cigaalna waxaa ka soo yeedhay Cismaan erey kaftana oo sheegaya in Somaliland god ku dhacday isaga oo yasaya Madaxweynaha aqoontiisa, khibradiisa iyo xalaalnimada u dharbaxa arrimaha ummada oo ay eedayn weyn oo ah habdhaqankiisii xilligii xukuumada Siyaad Bare. Ma soo noqonaya haddii isku-shaandhayn la sameeyo? Horta marka u horreysa wax alla waxii madaxweynaha ku xidhan waxa laga maleeyaaba way yar yihiin oo waa nin is bedel badan tiisana aan ku adkayn waxaan maquul ahayna ku kaca markaa lama malayn karo. Hase ahaatee Cismaan haddii aanu isaguba iskaga tegin waa suuragal inuu soo noqdo. Haddiise ceelku laga kaluumaysanayaa yaraado oo xukuumadda la yareeyo waa laga yaaba in uu liiska iska waayo oo waxaanu ahayn kuwa suxulada ku soo gurguurta. Waxaase mudan in aynu hadda eegno haddii ay dhacdo isku shaandhayn, sababaha wasiirada lagu soo doortay ama lagu eryey ee aynu liiska kaga weyno, waa in aynu sababaynaa ama aynu ka faalloonaa haddii uu ka lakeenay jagadaas masuulkii hore ka liito. Waa falaadh circa loo diray oo wasiirk kastaa filanayo sida ay hawshu u dhacdo ahddii isku shaandhayntimaado.

Somalilandfuture Online

No comments: