Sunday, March 26, 2006

Jawaab Maxaa u sababab ah Wasiir Dawlaha Arimaha Gudaha Somaliland Adan Waqaf oo...

Jawaab: Maxaa u sababab ah Wasiir Dawlaha Arimaha Gudaha Somaliland Adan Waqaf oo Walaalkii kula taliyay inuu boos uga sii qabto xusbiyada mucaaradka ka dibna waxu ku guulaystay inuu Ucid ka yeelo isago dhaqaalaha ku bixinayey walaalki waxii kharsh ah lagula kulmay madaxda xisbiya.

Marka hore waxan salamaya saxaafada madaxa banan oo soo qorta aragtiyada qofka iyo xaqiiqada jirta bacda salan waxan ka jawaabaya maqaal an ku arkay saxafada qar ka mida maqaalkas oo u qoray nin sheegtay in la yidhaahdo Axmed Xirsi degen Norway ciwaankisuna ahaa maxaa uu sababa inu wasiiru dawluhu arimaha gudaha Adan waqaf u diga roogto Ucid waxan halkan raba inan ka cadeeyo in qooragasu waxa uu qoray ay tahay mala awal se xaqiiqadu tahay wasiiru dawluhu arimaha gudaha waa run waxa uu ka sharaxay Udub nin ay isku reer yihin anaguna isku reer nahay se maxay ku balamen mushaaraxa .maxase balanti ka hir galay .se dacad ma ka ahaa inu musharaxa oo magaciisa la yidhaahdo Jamal Xinwal inu soo saaro .waxa kale iswaydin leh Wasiru dawluhu Adan Waaqaf dacad ma u ahaa Udub .lacagti la soo siyay sidu u isticmalay waxas oo dhan ayaa u bahan in umadu ogaato.

wakhtiigi Doorasha waxan joogay Burco ano u tagay inan soo saro Jmal Xinwal oo anu isku reer nahay waxa anu reer ahaan sharaxnay jamal .Adan Waqafna waanagula socday sida noo sheegi jiray ama noogu diwaan galiyay Udub se maxa dhacay . Adan Waqaf wanu wada shaqaynaynay se Adan Waqaf waxa la yimi lacagtii u siday Burco waxa kiraysay oo degena hudheelka City Plaza halkas oo shiirarkana ku qabsanyey mid guud mid go goosa iyo mid kali kali ah .Mudane Waqaf waxa ay ku balamen musharaxa Udub ka sharaxna inu lacagta u isku sharaxayo inu siiyo wax uu siyay ma jirto anana goob joog ka ahaa xita intan doorashadu dhiicin tiraba ilaa shan jeer ayaa odayashu isu kenen waxna way ka suroobi wayen.

Adan Waqaf dacad kama ahayn inu soo baxo musharax Jamal iyo xisbiga Udub uu sheegto inu ka mid yahay dadkuna u haystan .Wasiru dawlaha arimaha gudaha Adan Waqaf mucaaradka ayuu shirar uu qabtay kuwa an la ogayn iyagana wada shaqayn ka dhaxaysay khasatan Xisbiga Ucid ee hada walaalki ka mid noqday guddida fulinta UK . waxa Adan Waqaf dadka u la shiirayey ee reerkisa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka la tageero ,taas oo xitaa uu ogaaday musharixii udub oo ka xanaqay oo yidhi lacagta ma lihid ee lacagta isi musharxinta Udub ayaa leh ananad igu soo qadatay Waxa ugu jawaabi jiray adigu iska sharaxnow oo dhinaca musharaxa udub loo ananayo. Wasiiru dowlaha waxuu waday hawlo kadhana udub hoostana waxu kala socday mucaaridka .anaguna hadanu nahay reerka u ka dhashay ee musharaxa Udubna ka dhashay hore iyo iminkna uu tageerna xisbiga UDUB. Waxanu aminsan nahay in anu Wasiru dawluhu arimaha gudaha Adan Waqaf dacad uu ahayn Udub isaguna Udub jar uga talabsanayey lana shaqaynaayey xisbiyada mucaaridka isla markana inuu isagu riday oo aanu la gaban mucaaradnimadiisa ayaa lo ogyahay oo yidhahdo riyaale waxba ma wadi karo anigu waan ku shaqaystaa wasiirnimadeyda oo mashariic ayaa ka samaystay.

Waxa kale wasiiru dawluhu nagu odhan jiray waan ka shaqaysanayaa udub dabadded anigoo taajira ayaan sharaf ku noqonayaa mansab wanaagsan dowlada danbe ee mucaaradka ku guulaysanayaan waayo waxu nagu odhan jiray . Udub waa magac ee ma jirto shir isuguma imankarto goole shaqeeya ma leh .wanan ka tababaabushaysanaya UDUB oo xaabaal baanay ku lalaadaa .waxaanan kalo ka ka iibsaday Beer weyn oo ku taala biriishka Bereed iyo beerkale oo Booraame ku taala ,16 doonyood oo kaluumaysiya oo share aan kula galay , gabadh Amina la yidhahdo iyo milixda iyana aan badhleeyahay iyo qaboojiyaal iyo accuont England ah o ay iigu jirto lacag badan oo cash ah oo uu walaalki ugu qoranyahay axmed waqaf gudoomiye ku xigeenka ucid ee Uk waan ka tabaabushaystay waan la boobay udub waxii ay boobaysay umana baahni wasiir danbe waayo waan haystaa hanti igu filan oo aan ku helo wasiir sharaf leh oo aan udub ahayn .waxaas oo Hadalada wasirada oo ah wax xaqiiqa hantida uu sheegayna an anigu soo arkay waa hantidi Qaranka wana arinta igu kaliftay inan umada iyo goolaha wakiilada usoo bandhiigo si ay wax uga qabtan .waxanan ka codsanaya saxafada madaxa banan iyo saxafad kasta oo wadanka laxeejeclo ka haysa inay arimahan noocan oo kale daba gal ku sameeyan tagan meelaha hantidu ku talo ka dibna soo bandhiigan isla markana ay wax ka qabtan goolaha cusub la soo doortay madaxweeynuhu iyo goolaha gurtida .

Dardaaran ku socda Madaxweynaha.

madaxweeyne Riyaale waxa Ku soo maray wasiiro aad u badan waxa xaqiiqa in kuwa ka tagay kuwa ad badashay kuwa kula jooga an midkoodna ka madhnayn inad hab qabil ku kento haka noqoto isu dheelitirnan qabiilada ama deganada se madaxweyne manta qabilki ma shaqaynayo waayo waxu racay qabilku .goolihi wakiilada hore qabilka ku shiisna .iminkana goolaha wakiilada qabka ay ku joogan yahay ki aynu rabnay ee demoqradiga kana soo baxen goolada dalka waxan odhan kara qabilki hada ma jiro .madaxweyne hada dadku waxay kala racayan sadexda xisbi Qaran marka waxa jira tartan dadka lagu tartamayo .Ee waa inad soo dhiista dawlad tiiro yar qabka ad usoo xulaysa ha noqdo aqoon ma u leyahay qofkani
booska .madaxweeyne ha u egin reerka uu yahay .haday doonan todaba wasiir isku reer ha noqden .ugu danbaynti hadad soo dhiisto wasiiro tiro yar oo aqoona u leh dadkuba xisbigena ayey racayan.

Madaxweyne iska ilow iska ilow wasiiradi kugu hanjabayey hadad i erido reerkayga waxan u kaxaysanaya xisbi hebel oo an ku birayna iyo adigo mudnanta kowaad sin jiray in reeraha oo dhan iska dheex arkan ama deganada oo dhan isuna misaamaya.hadaba Madaxweyne waxad haysata fursad dahaba oo ad ku soo dhiisto wasiiro tiiro yar oo wadanka iyo xisbigaba u dacada dalkana waxu qabanaya ado u egaya aqoontoda.

Cabdi Farax Diiriye

Email: Beliedaya@hotmail.com

No comments: