Sunday, March 26, 2006

Agaasimaha Guud Ee Qaybta Shaqada Ee Wasaarada Caafimaadka iyo Shaqada Oo Qirtay Inuu Waraaq uu Kaga Hor Istaagayo Shaqada u Qoray Hay’adda CARE

Hargeysa, March 26, 2006 (Somalilandtoday)- Agaasimaha guud ee shaqadda ee wasaarada Caafimaadka iyo shaqadda Xasan Aadan Qalinle ayaa qirtay inuu waraaq uu kaga hor istaagayo shaqada ay hay’adda CARE ka heshay Marwo Aamina/weris Sheekh Maxamed u qoray hay’addaasi Care Internatoinal,waxaana uu sidaa ku qirtay shir albaabadu u xidhnaa oo maanta isaga(Xasan) iyo wasirrka caafimaadka Cismaan Qaasim Qodax ay la yeesheen shirgudoonka golaha wakiilada iyo gudiga Arrimaha Dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ee golaha wakiilada.

Sida warar ku dhowdhow shirkaasi ay tibaaxeen waxa la sheegay in Agaasimaha guud ee shaqadda ee wasaaradda caafimaadka iyo shaqada Xasan Aadan Qalinle uu u Qirtay shirgudoonka golaha iyo gudigaasi inuu waraaq u qoray Hay’ada Care kaga joojiyay shaqada,taasoo uu sheegay inuu fulinayay qoraal amr ah oo kaga yimi wasiirka qorshaynta qaranka Axmed Xaaji Daahir uu ku amrayo Agaasimaha inuu horistaago shaqada ay Hay’adda Care ka heshay Marwo Aamina/weris Sheekh Maxamed.

Warku waxa uu intaa ku darayaa in masuuliyiinta wasaarada caafimaadka iyo shaqada cudurdaar ka dhigteen in aanay ka warqabin heshiiska shaqada ay ka sexeexdeen hay’ada Care iyo Marwo Aamina/weris Sheekh maxamed. Kulanka waxaan isagu ka soo xaadirin wasiirka qorshaynta Axmed xaaji Daahir oo balantu ahayd in isaguna yimaado si su’aalo looga weydiiyo arrinta,taasoo ka cadhaysiisay shirgudoonka golaha wakiilada iyo gudiga arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah.

Kulankani wuxuu dhacay wakhti golaha wakiilada uu horyaalo mooshin ay 22-mudane ku dalbanayaan in talaabo lagaga qaado wasiirada caafimaadka iyo qorshaynta,isla markaana mudo todobaad ah lagaga saarayo dalka Hay’ada Care. Waxa hore iyagu falka shaqada lagaga joojinayo Marwo Aamina/weris u canbaareeyay labada xisbi ee mucaaradka ah ee Kulmiye iyo UCID.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland.

No comments: