Thursday, March 02, 2006

Maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Jaciir Oo Dalka Ka Dhoofay


Maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Jaciir Oo Dalka Ka Dhoofay, dhoofkiisuna ku sal leeyahay maamul ka xayuubin ku socda oo uu ka fakanayo.


Hargeisa ( Somaliland.org) Maayorka Caasimadda Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud (Jaciir) maanta gelinkii danbe ka dhoofay gegida diyaaradaha ee Egal Intl Airport, isagoo usii jeeda Dhinaca Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, Safarka Maayorka ayaa lagu tilmaamay Mid isaga u gaar ah oo shakhsiyadeed.

inkasta oo safarkani lagu tilmaamay mid gaar ah ayaa haddana waxaa la sheegaya in Mudanayaal badan oo golaha deegaanka Caasimadda ka tirsani ay waraaqo u direen Maayorka Hargeysa ay kaga codsanayaan inuu iskugu yeedho fadhi intaanu waddanka ka bixin, balse wararkaasi waxay sheegayaan inuu maayorku iska dhego tiray dhamaanba waraaqahaasi, isagoo ka cabsi qabay in golaha deegaanku ka xayuubiyaan xilka.
Mudane Jaciir ayaan wax hadal ah siinin saxaafadda markii uu maanta gelinkii danbe ka dhoofaayey madaarka Egal Intl Airport isagoo raacay diyaaradda Daallo Airlines kuna sii hakan doona Dalka Jibouti.

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)SOMALILAND.ORG,
HARGEISASomaliland.org@gmail.com

No comments: