Thursday, March 02, 2006

Siyaasiga Weyn Ibraahim Maygaag Samatar Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Caasimadda Hargeysa

Siyaasiga Weyn Ibraahim Maygaag Samatar Oo Maanta Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Caasimadda Hargeysa.

Hargeisa (Somaliland.org) Siyaasiga weyn ee Ibraahim Maygaag Samatar ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay Muddo dheer oo uu dalka ka maqna, boqolaal qof oo reer Hargeysa iyo Berbera ah ayaa Ibraahim Maygaag Samatar kaga hortagay Madaarka magaalada Berbera iyagoo usoo gelbiyey dhinaca Caasimadda Hargeysa.

Boqolaal qof ayaa iyaguna jidadka waaweyn ee magaalada Hargeysa tubna iyagoo ku soo dhaweeyey Ibraahim Maygaag samatar, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE ayaa iyaguna qayb ka ahaa soo dhawaynta Mudane Ibraahim Maygaag Samatar.

HADDABA MAXAA SABABAY SOO DHAWAYNTA IBRAAHIM MAYGAAG WAKHTIGAN

Maalmahii ugu danbeeyey ayaa waxaa warar la isla dhex maraayey magaalooyinka Somaliland tibaaxayeen in Ibraahim Maygaag Samatar ka mid noqon doono Siyaasiyiinta u tartami doonta Jagada Madaxtinimada 2008, iyadoo lagu wado inuu wakhtigaasi bedeli doono Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, wararkani ayaa sheegaya in Madaxweyne Rayaale iyo xubno Xisbiga UDUB ka tirsani ay u yeedheen Ibraahim Maygag Samatar si uu haatan uga mid noqdo Xukuumadda uu Madaxweyne Rayaale dhawaan isku shaandhaynta ku samayn doono, wararkani ayaa saadalinaya in Ibraahim Maygaag loo dhiibi doono Wasaaradda Maaliyadda inta ka hadhay 2008-da iyadoo Madaxweyne Rayaale uu ugu jiro ololaynta Jagada Guddoomiye-nimada oo uu la doonaayo Ibraahim Maygaag Samatar

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

Somaliland.org@gmail.com

No comments: