Friday, March 31, 2006

Sida ay u kala heestaan Magaalada Muqdisho Maxakamadaha iyo Isbaheysiga cusub

Sida ay u kala heestaan Magaalada Muqdisho Maxakamadaha iyo Isbaheysiga cusub Muqdisho.

Maxakamaha waxey ka taliyaan:

1. Isgooyska Ifka xalane ilaa iyo xarunta Xisbiga
2.Isgooyska Miisaanka dhuxusha ilaa SOS
3. Warshada caanana ,Shiirkole ilaa iyo Masaajidka sheikh Cali suufi
4. Isgooyska Holwadaag ilaa iyo Iskuulka Cismaan Geeddi Raage iyo waliba qeyba kamid ah Siisiii ,Afrta jardiino iyo intabadan degmada Huruwaa ,wadada isku xirto Muqdisho ilaa iyo Ceelmacaan Ma jirto hal degmo ay si toos uga taliyaan maxkamadaha.

Dhanka Isbaheysiga waxuu heestaa Degmooyinka aan lagu heysan sida:

Karaan , CabdiCasiis,Shibis ,Shangaani , Dayniile ,intabadan degmada Madiino. qeyb kamid ah Wardhigley Xaafada Gubta ,Barmuudo oo ka kooban Holwadaag ,Wabari iyo qeyb kamid ah degmada Hodan ,Lanbar Afar ilaa iyo isbitaalka Banaadir , Igooyska Bukaaraha ilaa iyo Masjidka Biyamaloow iyo intabadan Suuqa Bakaaraha iyo qeyb kamid ah Xamar Jabjab ,Ekis kontarool Balcad,Waxaracade ,Qeyb kamid ah Boondheere.

Labada qole kuwa aan raacsaneyn fikir hadana hubeysan:

Cismaan Caato Ekiskoontaroole Afgooye ilaa iyo Isbitaalka Banaadir:

Xuseen Ceydiid Isgooyska jid Marexaan ilaa qeyb kamid ah degmada Xamarweyne:

Maxakamadaha aan ku fikirka aheyn kuwa dagaalak ku jira sida Xararyaale iyo Siinaay waxey heestaan labadooda inta u dhaxeyso isgooyska Wardhiigley ilaa iyo kan siinaay qeybo kamid ah degmada Boondheere iyo Wardhiigley.

War bixintaan waxaan ugu talagalnay dadka in ay ogadaan xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Magaalada Muqdisho iyo sida loo kala heesto tasoo aan muuqan xiligaan sidii ay u wada shaqeyn lahayeen shacabka Muqdisho wali ku fikirya in meelo iska kala qabsadaan.

Cabdi Xasan Gacal

Muqdisho

No comments: