Sunday, March 26, 2006

UDUB WAA BESTEED

UDUB WAA BESTEED

Waxaa laga yaabaa in qaarkiin yidhaahdaan udub iyadaa dalka haysatoo madaxweynihii, madaxweyne ku xigeenkii, wasiiradii iyo dhamaan maamulkii sare ee dalkabu gacanteeda ayuu ku jiraaye siday besteed u noqotay waa dhab taasi laakiin hadana markaad aragto sida macangegnimada ah ee ay u ficiltanto iyo siday u kala takoorto shacabka somaliland waad xaqiiqsanaysa, ragii dhamaa ee aan is lahaa aqoonsi bay keenayaan, iyo wadankay horumar gaadhsiinayaan waxay ka dhamaan waaayeen marwo nasiibkeeda iyo aqoonteeda kaga heshay shaqo hayada care international xafiiskeeda hargeisa, cakuye ma kuwa quudhi waayey shaqo team leader ah oo hayad samafal laga helay ayaan aniguna u cumaamaday masiirkii ummadda somaliland kaaf iyo kala dheeri saw maaha.

Waxaad moodaa in xisbiga talada haya ee udub kalsoonidii ka maqan tahay oo ay wax walba shaki ka qabaan mida kale waa maxay babisadan loo tuuray iyo sanqadhan u baxaysa een cid kale arkayn, waxay ahayd mudo yar ka hor markii Xisbiga talada haya ee Udub iyadoo wadanka argagixiso ku soo duushay oo dhawr hawl gal oo isku xigay fulisay ay ku eedanayeen in Xisbiga Kulmiye ka danbeeyo hawlgaladaa.
Hadaan koox argagixisadii ka tirsan dhoqoshay lagu qabana eeda waxaa dusha laga saari lahaa Kulmiye, waxaa ku xigtay idaacadii ku taalay dalka debediisa ee udub ka doondoonaysay xafiiska Kulmiye ee Hargeysa, waxaa kale oo soo raaca diidmadii Madaxweyne Daahir Riyaale kaahin diiday buuxintii xubintii komishanka ka banaanaatay ee Xisbiyada mucaaridku u soo doorteen Maxamed Xaashi Cilmi taas oo Madaxweynuhu ku bedelay xubin kale oo gobolka Awdal ka soo jeeda waxaa iyana wax lala yaabo ahayd sidii Udub ugu soo diyaar garowday in ay u afduubto doorashadii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, midase wixii hore oo dhan ka sii layaabka badani waa tan ugu danbaysay ee shaqadii ay aqoonteeda ku heshay lagaga joojiyey Amina-Milgo oo ah xaaska Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Axmed Maxamed Siilaanyo nimankii la doortay ee dalkoo dhan loo dhiibay tay keenaan tii hore ka daran.
Run ahaantii lama soo koobo karo khaladaadka udub ku kacday intay talada haysay waxaase isweydiintu tahay hadii hayadihii samafalka sidaas loogu khasbayo in aanay shaqaalaysiin cid mucaaridka ka soo jeeda markaa udub siday ugu xaqsooraysaa shacabkeeda dhanka shaqada iyo dhanka cadaaalada labadiiba, saw wixii mucaarid ah daadku ha qaado maaha, marmarka qaar waxaan is idhaahdaa talaabooyinka khaladka ah ee Udub ku kacayso malaha Madaxweynuhu ma oga hadana waxaan idhaahdaa waa isku halayn ee haday og yihiin in talaabo laga qaadayo cidina kuma dhacdeen waxay doonto in ay samayso, Madaxweynaha laftuusana waa ka awoodi kari waayey inuu golihiisa wasiirada isku shaandhayn ku sameeyo oo siday kula taliyeen golaha Wakiiladu soo dhiso dawlad tayo leh markaa dhaliisha Xisbiga Udub cidina ka badbaadi mayso.
Waxaa la yidhi (garba diiri nin daguugan ma weydo) golaha wasiirada ee Madaxweyne Riyaale ma waayo Ismaaciil Yare iyo Cawil maantana mid kale oo saddexaad ayaa soo baxay waxaan filayaa cadaadiska muwaadiniinta reer Somaliland in aan guul lagu gaadhayn, waxaan maqaalkaygan ku soo gunaanadaa waxaan ka filayey in Udub somaliland horumar balaadhan u keeni doonto oo wax ka qaban doonto, dhaqamada hadhaadiga ah ee curyaamiya horumarka bulshada, nimankii dhamaa ee aan is lahaa waxay kuugu maqan yihiin sahan ayaa maalin walba la leeyahay gabadh ayey shaqo ka hor istaageen iyo wax la mida waar intaan laydinka quusan is badh qabtoo dadkii idin doortay ee masiirkooda idinku aaminay mar uun wax ay ku farxaan dhegahooda maqashiiyo indhahoodana tusa, haddii kale waxaa garan doontaan saa-danbe.
Jaaamc Cabdilaahi Suleymaan
Cigaal215@hotmail.com

No comments: