Thursday, March 09, 2006

WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA OO QIRTAY INUU HESHIIS LA GALAY GANACSADE HINDI AH, BEENEEYEYNA WARKII MADAXTOOYADDA KA SOO BAXAY.

WASIIRKA MACDANTA IYO BIYAHA OO QIRTAY INUU HESHIIS LA GALAY GANACSADE HINDI AH, BEENEEYEYNA WARKII MADAXTOOYADDA KA SOO BAXAY.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha Md. Qaasin Sheekh Ibraahim ayaa qiray heshiis shidaal qodis ah oo wasaaraddiisu la gashay ganacsade Hindi ah isla markaana ay ka war hayeen hishiiska Madaxweynaha iyo wasiirka Qorshaynta Qaranku.

Wasiirka oo shalay saxaafadda uga waramayay heshiiskan oo ay baahiyeen Wargeysyada Somaliland Times iyo Haatuf horaantii todobaankan waxa uu sheegay in heshiis shidaal qodis ah wasaaraddiisu la gashay ganacsade Hindi ah oo wakiil ka ah shirkad la yidhaahdo SUUT. “Heshiiskan waanu saxeexnay marxalado kala duwana wuu lahaa. Waana kan heshiiskii oo hadda ayaa la ii soo celiyay (isaga oo wariyayaasha tusaya nuqulka qoraalka heshiiska),” ayuu yidhi Wasiir Qaasin.Hase yeeshee wasiirku waxa uu saluug ka muujiyay sida loo soo ban-dhigay qoraalka warka ku saabsan. “Warkan waxa daabacay wargeyska Somaliland Times, waxaase ka muuqatay maqaalkaas xog-yaraan, waxayna ahayd in ay wax iga weydiiyaan.

Ta kale, maqaalka (Wargeysku daabacay) waxa ku jiray in heshiisku qarsoodi ahaa oo uu gaar ku ahaa Madaxweynaha, Wasiirka Qorshaynta iyo wasiirka macdanta iyo biyaha oo keliya. Markaa, waxaan is weydiinayaa, yaa kale ee la rabay in ay wax ial ogaadaan aniga oo ah wasiirka macdanta iyo biyaha een ahayn Madaxweynaha iyo wasiirka Qorshaynta,” ayuu yidhi wasiirku. Mar la weydiiyay in shirkadda ay heshiiska la galeen ay jiraan dalal ay hore hawlo shidaal qodis ah uga soo qabatay waxa uu yidhi; “Maya, Anigu ma ogi.” In kasta oo wasiirku muujiyay in heshiiskan uu la galay shirkadda SUUT ay la ogaayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka Qorshayntu haddana war-saxaafadeed Af-hayeenka Madaxtooyadu ka soo saaray warka heshiiska ay ka qoreen Wargeysyada mataanaha ah ee Somaliland Times iyo Haatuf ayaa waxa uu muujiyay in aanay jirin wax wasiirka Qorshaynta kaga xidhan ogaanshaha hawlaha wasaaradda macdanta iyo biyaha.

Source: Jamhuuriya.

No comments: