Tuesday, March 07, 2006

Wasiirka Qorshaynta Oo Is-hortaagay Shaqo Ay Marwada Godduumiyaha KULMIYE Ka Heshay Hay'adda CARE

Haatuf — Hargeisa, Somaliland — 7 March, 2006
Hargeisa March 7, 2006 ( Haatuf ) Wasiirka qorshaynta Somaliland Ahmed X. Daahir, ayaa is-hortaagay shaqo ay Marwo Aamina Sh. Mohamuud Jireh ( Aamina Waris ) oo ah Xaaska Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE ka heshay Xafiiska Hay’adda Care International ee Hargeisa, isaga oo Wasiirku u sheegay Hay’adda in aanay Dawlada Somaliland raali ka ahayn in Xafiiska Care ee Hargeisa shaqo laga qoro, sida ay Hay’adda Care noo xaqiijisay Wasiirku waxa uu fariintaasi u soo gudbiyey ka dib markii ay Hay’adda Care jago Team Leader oo Xafiiska Care ka banaanayd oo war-baahinta lagu faafiyey la sheegay inay ku guulasatay Aamina Waris.

Wasiirku waxa uu is-hortaagiisa ku sababeeyey in ay Aamina Waris tahay Qof Xukuumada ka dhan ah oo aan laga ogolayn, balse mar ay Guddiga arrimaha dibada ee Golaha Wakiiladu ay Wasiirka arrintan wax ka weydiiyeen, waxa uu qirtay inuu Hay’adda Care la xidhiidhay, laakiin aanay Ujeedadiisu ahayn inuu is-hortaago shaqaalaynta Gabadhaasi.

Hase yeeshee sida ay Haatuf soo xaqiijisay Xafiiska Madaxa Hay’adda Care ee Hargeisa, waxa uu qoraal arrintan ku saabsan Xafiiska Nairobi Hay’adda Care ku leedahay, kaas oo uu ka codsaday inay ka soo talo bixiyaan shaqaalaynta Aamina Waris iyo dareenka Wasiirka Qorshayntu ka muujiyey in aanay Xukuumadu arrintaas raali ka ahayn.

In kasta oo aanay Mas’uuliyiin Care ee Nairobi aanay wali wax go’aan ah ka gaadhin arrintan, laakiin waxa gardaro u arkay Fariinta Wasiirka qorshaynta, xubnaha Guddiga arrimaha dibeda ee Golaha Wakiilada, iyada oo Xafiisyada shisheeyaha ee ka hawl-gala Somaliland hore loogu dhaliili jiray in ay iska barbariyaan oo muwaadiniinta Somaliland oo halkoodii ay ku shaqaaleeyaan Dad Ajeni ah oo qaar uu ku jiro dareen Somaliland diid ahi laga keeno meelo Somalia ka mid tahay, taas oo uu Wasiirka qorshayntuna wax is-hortaag ah ka keeni jirin, hadana waxa la yaab Dad badan ku noqotay dareenka ay Xukuumadu ka muujisay shaqada ay Aamina waris ka heshay Hay’adda Care.

Waxa kale oo Xukuumada Somaliland, gaar ahaan Wasiirka Qorshaynta Ahmed X. Daahir hore loogu dhaliilay inuu Hay’adda ka ogolaaday isticmaalka magaca ay Somaliland ula baxeen “ North West Somalia” ama Gobolka Waqooyi Galbeed ee Somalia, taas oo ay Wasaarada Qorshayntu kala macaamisho.

Wasiirka Qorshayntu waxa kale oo uu mudadii uu xilka hayey soo kordhaayey Shirarka Qaranimada Somaliland ka dhanka ah ee Hay’aduhu ku qabanayaan Dalka gudihiisa, kuwaas oo lagu kulan siiyo ururo iyo Hay’addo loogu yeedho inay Somaliweyn u dhan tahay.
Shirarka noocaas ah ee wax loogu dhimayo Madax banaanida Somaliland waxa ka mid ah, kulankii seddexda Cisho ka socday Hargeisa Bishii December, 2005 ee loogu magac daray JNA, kaas oo sida loo dhigaayey lagaga hadlaayey baahiyaha horumarineed ee Somaliland iyo sidii ay beesha Caalamku wax ugu qaban lahayd.

Hase yeeshee Xaqiiq ahaan waxa uu ka dhashay qorshe Qorshe ay soo hindistay Xukuumada Federalka ee Somalia, kaas oo ay kaalmo Caalamka kaga doonaysay , iyada oo ay Somaliland ka mid tahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Qorshaynta Ahmed X. Daahir, waxa uu maalintii doraad ku Gacan saydhay qorshe ay Hay’adda Care ugu tallo gashay in ay hal gaadhi oo ka mid ahaa laba gaadhi oo ay Hay’adu Xukuumada ku-wareejisay in la siiyo Wasaarada Waxbarashada, taas oo uu Wasiirku ku tilmaamay inay tahay faro-gelin arrimo Xukuumadeed.
Wasiirku waxa uu ku adkaystay in labada gaadhiba lagu wareejiyo madaxtooyadda, si uu Madaxweynuhu u qorsheeyo cidda la siinaayo.

Xigasho: Haatuf

No comments: