Tuesday, March 07, 2006

WFP oo Dekeda Berbera Fadhiisin uga dhigatay Deeqaha Bariga Afrika


Berbera (Jam) – Hay’adda cuntada adduunka ee WFP, ayaa deeq raashin ah oo dhan 800 ton oo Bariis ah uga rartay magaalada Berbera maamul gobleedka Puntland, Ismaaciil Maxamed Cilmi oo ka tirsan hawl wadeenada sar sare ee hay’adda WFP u qaabilsan Somaliland iyo Somalia ayaa Jamhuuriyo u sheegay in Bariiska oo hay’addu ka rartay bakhaarada ay ku leedahay Dekedda Berbera ay ugu talo gashay hawlaha gar gaarka ah ee ay ka wado Puntland.

Deeqdan raashinka oo uu sarkaalku sheegay inay u sii mariyeen dhinaca badda, iyada oo ka dagi doonta dekadda Boosaaso.

Daabulka raashinkan loogu talo galay gar gaarka oo hay’addu ka guri doonto bakhaaro ku yaala dekadda Berbera kuwaas oo kayd u noqon doona deeqaha ay hay’addu ugu talo gashay deegaanada Bariga Afrika, xilliyada ay la soo darsaan abaaraha iyo dhibaatooyinka kale ee dabiiciga ah.

Waxa ay hay’addu sheegtay heshiis ay dhawaan kala saxeexdeen maamulka dakedda Berbera iyo hay’adda WFP, kaas oo ku saabsanaa in ay hay’adda WFP u isticmaasho dakedda Berbera qaab taransid ah si deeqaha ay u wadaan Puntland iyo deegaanada kale ee Bariga Afrika ugu kaydsadaan bakharaada dakedda.

Waxa kale oo uu sarkaalku sheegay in heshiiskani yahay kii u horeeyay ee noociisa ah ee dhexmara dakedda Berbera iyo WFP, sidaa darteed, waxa uu ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doonta sumcadda dakedda.

Jamhuuriya Online

No comments: