Tuesday, March 28, 2006

Wasiirka Qorshaynta Oo Lagu Amray Inuu Warqad U Qoro CARE Loogu Soo Celinayo Shaqadii Aamina-Waris Laga Hor Joogsaday

Hargeysa, March 27, 2006 (Somaliland Today)- Wasiirka qorshaynta qaranka Axmed Xaaji Daahir ayaa horyimi maanta shirgudoonka wakiilada iyo

dibada iyo xidhiidhka caalamiga ah ee golaha wakiilada ka dib markii uu ka baaqsaday shalay inuu horyimaado yeedhmo ay ugu yeedheen wasiirada caafimaadka iyo qorshaynta si wax looga weydiiyo inay wax lug ah ku lahaayeen shaqo xukuumadu ka hor istaagtay Marwo Aamina/weris Sheekh Maxamed ka heshay Hay’ada CARE Internatoinal ee xafiiska Hargeysa.Kulankan oo albaabadu u xidhnaa waxay ilo ku dhowdhoow tibaaxeen in wasiirka qorshaynta Axmed Xaaji Daahir wax laga weydiiyay inuu wax lug ah ku lahaa dhacdadii shaqada lagaga joojiyay Marwo Aamina/weris ay ka heshay inay madax ka noqoto xafiiska Hay’adda CARE ee Hargeysa oo la sheegay inay ka dambeysay xukuumada M/weyne Riyaale, waxaanu wasiirka qorshaynta Axmed Xaaji Daahir la sheegay in uu si cad u dafiray inuu wax lug ah ku lahaa hawsha shaqada lagaga joojinayo Marwo Aamina/weirs, waxayna wararku intaa ku darayaan in wasiirka qorshaynta Axmed Xaaji Daahir ku wargeliyay shirguddoonka iyo gudigaa inuu kala hawl gelayo sidii loo qaban lahaa ciddii ka dambeysay falkaasi shaqada lagaga joojinayo gabadhaasi muwaadinada ah.

Waxaa jira warar aan la cadeyn oo sheegaya in wasiirka qorshaynta Axmed Xaaji Daahir u qoray waraaq Agaasimaha guud ee shaqada ee wasaarada caafimaadka iyo shaqada Xasan Aadan Qalinle uu kaga dalbanayo inuu Hay’ada CARE ku amro inaanay qaadan Marwo Aamina/weris, hase yeeshee taa wasiirku wuu ku dafiray inay jirto.

Shirguddoonka wakiilada iyo guddiga Arrimaha dibada iyo xidhiidhka caalamiga ee golaha wakiilada ayaa la sheegay inay wasiirka qorashaynta u sheegeen inaanay ku qanacsanayn jawaabaha uu ka bixiyay inaanu wax lug ah ku lahayn arintan, waxaana loo balamay sida wararku tibaaxeen inuu ka shaqeeyo sidii daaha looga qaadi lahaa ciddii ku lug lahayd, isla markaana in wasiirka qorshayntu Axmed Xaaji Daahir inuu Hay’adda Care u qoro waraaq uu ku wargelinayo inaysan waxba iska bedeli karin heshiiskii ay ku qaateen Hay’ad ahaan Marwo Aamina/weris oo ah muwaadinad u dhalatay dalka Somaliland.

Liibaan Maaweel Shire

Somaliland Today Correspondent

Hargeisa, Somaliland

No comments: