Saturday, April 01, 2006

Faallo: Wasiir Cabdilaahi Ducaale Xiniftaale Doqoneed Nin Ragi Waa Xasilaya


Xukuumadda Somaliland kuma camal fali doonto go'aanadii shalay Golaha Wakiilada ka soo baxay ee ku waajahnaa hay'adda CARE iyo qof shisheeye ah oo dalka laga eryayo waxayna u aragtaa xilkii Dastuur ahaan golaha fulintu u lahaa oo ay qaateen Golaha Wakiiladu. Weedhahaasi iyo qaar ka sii qadhaadh darra waxay ku xardhanaayeen Qoraal laba bog ah oo shallay la sheegay inuu ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Ducaale, balse aan u muuqanin weedho munaasab ku ah inuu ka soo baxo Xafiis wasiir, una muuqday weedho u eg Gabadh Hinaase la wajaqday oo hiil mooday inay car juuq dheh car joogso ku xinifto.

Muddo hadda laga joogo dhawr todobaad ayaa warbaahinta Somaliland badideed waxay daabaceen War sheegaayey in Shaqo ay si xor ah ugu guulaysatay Marwo Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina Weris) oo ah Marwada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Axmed Siilaanyo ay Xukuumaddu ka hor istaagtay, taasi ma noqonin mid raagta balse waxay raaf dilaacday todobaad ka hor markii shaaca ay Haayadda Care Intl oo ahayd Haayadii ay marwadu shaqada kaga guulaysatay ay ku caddaysay qoraal afar sadar ah in Marwo Aamina Weris shaqadii ay heshay lagalana noqday, balse Haayadda oo aad moodo inay bisaylka Beeshinka Beesha Caalamka aanay iska kharbudayn ayaa ka gaabsatay inay toobiyaha ku tilmaanto cidda ka danbaysay ama ku cadaadisay in shaqada laga hor istaago.
Warsaxafadeedka la sheegay inuu saxeexay Mr. Cabdilaahi Maxamed Ducaale waxaa si kor iyo hoos ah loogu iclilaamiyey weedho keliya maanku ka yakh yakhsoonaayo, laguna tilmaami karo inay sii kala durkinayaan keliya bulshadii Bogaha iyo laabta burcadka la iskugu marinaayey, Cabdilaahi Ducaale isagoo iska dhiga nin qoraa ah, una hadla Xukuumadda Madaxweyne Rayaale meel qudha qoraalkiisa kuma sheegin cadaadiska ay haayadda Care International laftigeedu qirtay ee ah in Xukuumaddu cadaadis ku saartay in Marwo Aamina Weris Shaqada lagala Noqdo, balse Wasiirku isagoo iska dhigaaya nin bogo damqaday dhayaya baro taclimeedna u noqonaya Golaha sharci dajinta balse aan dareensanayn inuu baal marsanyahay milgaha sharci ee laftigiisu uu wasiirka ku yahay ayaa wuxuu eed dusha u saaray Xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo uu ku sheegay qaar dan gaar ah wata, balse Wasiirku marka uu leeyahay Xildhibaanada ayaa dan gaar ah wata, iyo marka uu sawaaxiliga Kenyatiga ah uga dirsoocayo Muwaadinadda iyama ayuu khaldanyahay, Mise tallow Cabdilaahi M. Ducaale dhallada ayuu ka dhex dheehday xafiiltan siyaasadeed oo uu hadda sacabada ugu sifaysto inuu dabkeeda huriyo.
Wasiirku wuxuu ku sheegay Warsaxafadeedkiisaasi dhacdadii Cisbitaalka Hargeysa ee Bishii November ee sannadkii hore ay Xukuumaddu ugu dalbatay Shacabka reer Hargeysa taangiyada iyo dabaabadaha, kuna xasuuqday dad badan, isagoo doonaya inuu dhareerka dharigiisa ka duwo ayuu Wasiirku wuxuu Warsaxafadeedkaasi ku sheegay in Madaxweyne xigeenkiisu uu raali gelin ka bixiyey, Balse Maandow Cabdilaahi Taangiyo Shacab loo adeegsada ma xasuusantahay inay ka weyntahay wax laba kelmadood lagu raali geliyo, layaabse miyaanay Mudnayn inuu wasiirku yidhaahdo golaha shacabku xaq uma laha inay ka hadlaan arrintaasi, taasi waxay ka dhigantahay "an Sayd Caleeye Yaanu Saadku I qaban"

Balse Gunaanadkii Marwo Aamina Sh. Maxamuud Jirde (Aamina Weris) waa muwaadinad dalkeeda muddo badan u hurtay nafteeda iyo maalkeeda, waa muwaadinad shacab badani ku xasuustaan waagii halganka oo ay shacabkeeda oo xeryaha qaxoontiga ku jira ay hiil iyo hooba la garab taagnayd, balse isweydiin weeye Maandhow Cabdilaahi Weedhaha Warsaxafeedka aad Xukuumadda ugu hadlaysay miyaanay ka dhignayn " Xinfitaale Doqoneed Nin Ragg ahi Waa Xasiliya:

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

SOMALILAND.ORG , HARGEISA

Diridhaba@gmail.com

No comments: